Dowladda Soomaaliya oo shaacisay 34 kiisas cusub oo ah Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 34 xaaladood cusub oo ah safmarka Coronavirus.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka, ayaa tilmaamtay in 7 kamid ah bukaanada ay ku sugan yihiin Puntland, 27-da kelana gobolka Banaadir ama magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Bukaanada cusub 26 kamid ah waa rag, halka 8-da kale ay yihiin dumar, sidda ay ka dhawaajisay Fowziya oo wariyeyaasha kula hadashay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Tani ayaa ka dhigan in wadarta guud ee xaaladaha caabuqa gudaha Soomaaliya ay gaartey 756, waana koror aanan la fileyn maalintii la diiwaan-geliyey kiiskii ugu horeeyay oo ahayd bishii Maaj.

Sidda laga soo xigtay Fowziya, 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa dhacday saddex geeri ah oo ka dhalatay caabuqa, taas oo wadarta guud ee dhimashadda ka dhigeysa 35 guud ahaan waddanka.

"Waxaan bogsatay 17 bukaan 24-kiis saac ee lasoo dhaafay; wadarta guud ee bukaanada bogsaday waxay gaartay 61," ayay hadalkeeda raacisay Fowziya, oo dadweynaah ku boorisay in ay taxadaraan.

Bishii Maaj ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay diiwaan-gelisay kiiskii ugu horeeyay oo laga helay muwaadin ka yimid Shiinaha, oo ah xudunta cudurka dilaaga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM