Muqdisho oo loo sameeyay saadaalin naxdin leh oo ku saabsan Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ay soo rogto go'aano adag oo horleh si looga hortago faafitaanka Coronavirus, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.

Go'aanada oo la tashiyadii ugu dambeeyay ay ka leeyihiin madaxda waxaa qeyb ka noqon kara in gebi ahaanba la mamnuuco isu imaatinka.

Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jamaaludiin, xubin ka tirsan guddiga heer federaal ka hortagga cudurka, ayaa xoojiyey baahida loo qabo go'aano adag, inkastoo uu dadka ugu baaqay in walbahaar badan aysan muujin.

"Xitaa hadii ay noqoto in naf la badbaadiyo waxaa haboon in awood ciidan la adeegsado si loo dhaqan-geliyo go'aanada adag," ayuu ku sheegay wareysi uu bixiyey.

Sidda laga soo xigtay Jamaaludiin, go'aanada xukuumadda kasoo bixi kara waxaa qeyb ka noqon kara in Salaada Jimcada soo aadan aanan lagu tukan jameecada, taas bedelkeedna la xiro gebi ahaanba Masaajida.

Saadaalin

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu caddeeyay in xanuunka uu ku dhex-faafay gudaha magaalada Muqdisho isla markaana ay odrsayaan in todobaadyadda soo aadan kiisas badan laga soo warin karo meelo kala duwan.

"Muqdisho waxey wajahi doontaa isbuucyo xanuun badan, dad badan buu soo ridan doonaa Carona, wasaarada Caafimaad shaqaalaheeda badankooda baaritaan baa la marsiiyey maadama laba naga mid ah laga helay, natiijadana waan arkeynaa," ayuu tilmaamay Dr Cabdirisaaq.

Howlwadeenada la baarayo waxaa kamid ah isla Jamaaludiin maadaama uu kamid ahaa shaqsiyaadkii la shaqeeyay saraakiisha qaadey caabuqa, balse wuxuu ka gaabsaday in ay wasiir Fowziya Abiikar Nuur kamid tahay.

"Annaga ma xamili karno in aan karan-tiilno dad badan, laakiin xalka ugu wanaagsan waa dadka in ay iyaga is-karan-tiilaan, ayna xoojiyaan difaacooda oo ay cabaan biyo badan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Kiisaska Coronavirus ee laga helay Muqdisho ayaa haatan maraya 12 kadib markii shalay lasoo wariyey afar kiis kale oo cusub. In ka badan 50 qof oo iskood u tegay Wasaaradda markii ay iska shakiyeen ayaa natiijada la sugayaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM