Dowladda Soomaaliya oo soo xirtay kiiska Cabdirashiid Janan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer-ilaalinta Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa "xirtey" gal-dacwadeedka ka dhanka ah Cabdirashiid Janan, wasiirkii amniga Jubaland.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo dhankeeda qoraal kasoo daba-saartay go'aanka Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa shaacisay in ay aqbashay xiritaanka dacwad-oogaha guud.

Janan oo loo haystey dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada ayaa dhowaan "isku dhiibay" maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo kadib wadahadalo qarsoodi ah oo dhexmaray.

Waxyar kadib markii la xaqiijiyey in uu qalinka ku duugo saxiixa heshiiskaas uu isku soo dhiibay, Amnesty International waxay ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay xirto wasiirkii hore ee amniga Jubaland oo la baadi goobayo in cadaalada loo horkeenayo tacadi la sheegay in uu kula kacay rayid aan waxba galabsan.

Xeer ilaaliyaha guud ma uusan bixin sababo la taaban karo oo ku saabsan in uu soo xiray gal-dacwadeedka Janan oo lagu waramayo in uu caafimaad u aadayo Turkiga.

Bishii Diseembar 2015, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay waaran qabasho ah oo lagu xiray Cabdirashiid Janan oo lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Tan iyo xilligaas, wasiirkii hore wuxuu hogaaminayey maleeshiyo maxalli ah oo ka dhan ah dowladda, ka hor inta uusan u wareegin maamulka Farmaajo.

C/rashiid Janan ayaa kooxda UN Monitoring Group waxay ku eedeysay dambiyo aad u naxdin badan oo ay ka mid yihiin dil, jirdil, xarig sharci daro ah, iyo siidayn sharci daro ah intii u dhaxeysay 2014 iyo 2015.

Sanad kahor, Janan wuxuu ka baxsaday xabsi ku yaala Muqdisho, waxaana maamulka Axmed Islaam Maxamed Madoobe ku tilmaamay geesi kahor inta aysan is-khilaafin.

Kahor heshiiska uu isku-soo-dhiibay, Cabdirashiid Janan ayaa ku sugnaa hareeraha Mandheera ee Kenya isaga iyo askar isaga daacad u ah oo haatan uu ku wareejiyay dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Ku Dhintay Duqeyn Ka Dhacday Yemen

Ibrahim wuxuu intaas ku daray in dad Soomaali ah oo halkaasi ku xidhnaa la wareejiyay maalmo kahor duqeynta.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:17PM