Dowladda Soomaaliya oo Wajahaysa Caqabado Cusub oo ku saabsan Dagaalka Al-Shabaab 

Image

MUQDISHO - NISA ayaa sheegtay in Ciidankeeda oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal saddex maalmood socday ku dilay 11 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Howlgalladan ayaa ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, waxaana lagu burburiyay saanad ciidan iyo gaadiid dagaal oo ay kooxdaasi wadatay.

Howlgalka ugu weyn ayaa ka dhacay 12-kii Agoosto deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, halkaas oo NISA ay ku beegsadeen guri ay shir ku lahaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Todoba dagaalyahan ayaa lagu dilay halkaasi. Labo maalmood kadib, afar xubnood oo kale — oo uu ka mid ahaa horjooge sare — ayaa lagu dilay deegaanka Daarunimca ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Inkasta oo dowladda ay sheegtay guulo ciidan, haddana wararka ka imaanaya gudaha dalka ayaa muujinaya in ciidamada dowladda ay guuldarrooyin kala kulmayaan dagaalladii ugu dambeeyay ee ay la galeen Al-Shabaab. Kooxda ayaa tan iyo bishii April 2025, la wareegtay gacan ku haynta saddex degmo oo muhiim ah: Aadan Yabaal, Moqokori iyo Maxaas, kuwaas oo horey ugu jiray gacanta dowladda iyo ciidamada deegaanka.

Taliska ciidamada dowladda weli kama hadlin sababaha keenay dib u gurashada degmooyinkan muhiimka ah, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerarro qorsheysan iyo istaraatiijiyad dagaal u adeegsadeen sidii ay ugu qabsan lahaayeen. Waxaa sidoo kale la tilmaamayaa in aysan jirin taageero joogto ah oo dhanka saadka ah oo ay haystaan ciidamada dowladda ee ku sugan furimaha dagaalka.

Dagaalka dowladda federaalka iyo Al-Shabaab ayaa maraya marxalad adag, iyadoo kooxdaasi wali awood u leedahay inay dib u qabsato dhul hore looga saaray. Inkasta oo howlgalada NISA ay muujinayaan dadaal ay dowladdu wado, haddana xaaladda guud ee amni ee gobollada dhexe ayaa muujinaysa in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab u baahan yahay istaraatiijiyad cusub iyo taageero dhameystiran oo gudaha iyo dibaddaba leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM