Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in la jabsaday xogta E-Visa, Go'aan cusubna soo saartay

Image

MUQDISHO - Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay war cusub oo ay ku caddeyneyso in ay qaaday tallaabooyin amni oo dheeri ah, kaddib markii ay soo baxeen warar la xiriira in si sharci darro ah loo helay xog ka mid ah dadka isticmaala adeegga cusub ee E-TAS.

Sida lagu sheegay qoraal ay hay’addu goor dambe soo saartay, HSJ waxay xaqiijisay in baaritaanno hordhac ah ay muujinayaan in isku day sirdoon oo aan fasax lahayn lagu sameeyay nidaamka, taas oo keentay in si ku meel gaar ah loo joojiyo adeegga inta lagu jiro qiimeyn buuxda oo dhinaca amniga ah.

Afhayeen u hadlay HSJ ayaa sheegay in dowladda federaalku ay durbaba magacaawday guddi gaar ah oo isugu jira hay’adaha amniga, khubaro IT oo maxalli ah iyo kuwo caalami ah, kuwaas oo loo xilsaaray qiimeynta dhammaan habraacyada amni ee la xiriira nidaamka cusub.

“Ujeedkeennu waa in aan xaqiijinno in xogta muwaadiniinta iyo dadka dalka u socda ay ka badbaado fal kasta oo wax u dhimaya amnigeeda. Dowladda iyo HSJ waxay ka go’an tahay in la helo nidaam amni oo heer sare ah,” ayuu yiri afhayeenka.

War-saxafadeedka ayaa sidoo kale xusay in haddii baaritaannada rasmiga ah la soo gabagabeeyo, la soo saari doono warbixin faahfaahsan oo ay ku jiraan waxyeellada la xaqiijiyay iyo tallaabooyinka la qaadi doono, iyadoo diiradda la saarayo in aan mustaqbalka dib loogu dhicin dhacdo la mid ah.

Dhacdadan ayaa soo baxday xilli dhowaan dowladda Mareykanka ay shaacisay in xog muwaadiniin iyo ajaanib isugu jira ay si sharci darro ah u helaan dad aan la garanayn, arrin dhalisay dood weyn oo si xoogan uga aloosantay baraha bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India oo taageertay midnimada Soomaaliya, xilli ay iska fogaysay aqoonsiga Somaliland

Go’aankan ka soo baxay Hindiya ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad diblomaasiyadeed ka jirto Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    10-01-2026

  • 12:42PM

Shiinaha oo ka hadlay dib u dhaca booqashada Wasiir Wang Yi ee Muqdisho

Bayaan ay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho soo dhigtay fiidnimadii Jimcaha, ayay Beijing ku sheegtay in la beddelay jadwalkii safarka Wang Yi.

  • Soomaliya

    10-01-2026

  • 07:36AM