Dowladda Soomaaliya oo "xirtay" mas'uuliyiin taabacsan Ahlu Sunna

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Ciidanka ay dowladda Soomaaliya geysay Dhuusamareeb ayaa lasoo wariyey in ay xabsi u taxaabeen mas'uuliyiin taabacsan ururka Ahlu Sunna Waljameeca.

Guddoomiyihii Ahlu Sunna ugu magacownaa magaala madaxda Galmudug iyo xubno kale ayaa la sheegay in la xiray, habeenimadii xalay.

Axmed Walad Cabdalla iyo shaqsiyaadka kale ayaa la tilmaamay in jeelka loo dhaadhiciyey xili ay kasoo baxeen xarunta Inji, fariisinka ugu weyn ee ururka Ahlu Sunna.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa talaabadaas. Balse waxaa kasoo baxaya fahfaahino kala duwan oo aan la hubin.

Warbixinadda ayaa tibaaxaya in ay la xiriirto amar kasoo baxay hogaanka Galmudug oo ah in la xakameeyo dhaqdhaqaaqa dadka gelaya xarunta Inji oo ku taala bartamaha magaaladda.

Ahlu Sunna ayaa diidey in ay aqoonsato doorashadii ay xukuumadda federaalka ku qabatay Dhuusamareeb 2-dii Febraayo, 2020, taasoo uu kusoo baxay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye.

Maalmo kahor doorashada Qoor-qoor, Ahlu Sunna ayaa ku dhawaaqdey in ay madaxweynaha Galmudug u doorteen Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, kaasoo howlihiisa caadiga ah iska wata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM