Turkiga oo ganafka ku dhuftey eed loo jeediyay lana xiriirta Soomaaliya

Image

ANKARA, Turkey – Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa ganafka ku dhufatay eedeyn "aan sal lahayn" oo kaga timid ra'iisul wasaaraha Gariiga kadib kulan uu la qaatay hogaamiyeyaasha wadamadda Masar iyo Qubrus.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa sidoo kale waxaa lagu naqdiyey is-afgarad saddex geesood oo wadamadan ay ka yeesheen arrimaha badda muranka xoogan uu ka taagan yahay ee Mediterranean.

Qoraal laga soo saarey shirkaas qabsoomay Arbacadii todobaadkii lasoo dhafay ayay ku sifeysay mid lagu beegsanayo Turkiga lagana leeyahay faragelin cad oo ay ku sameeyaan danaha ay Ankara ka leedahay aagaas.

Xalka ayay carabka ku dhufatay in ay si wadajir ah kaga qeyb-qaataan dhamaan dhinacyadda ay khuseyso. "Waxaan sii wadi doonaa in aan taageerno xuquuqda Turkida Qubrus iyaddoo ay naga go'an tahay," ayay xustey.

Ra'iisul wasaaraha Gariiga, Kyriakos Mitsotakis, ayaa kal hore wuxuu ku eedeeyay Turkiga in uu wadamada Soomaaliya, Libya, Suuriya, Algeria, Qubrus iyo gobolka Caucasus ka wado "gumeysi maskaxeed oo khiyaali ah".

Mitsotakis oo saxaafada la hadlay kadib kulanka madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al Siisi iyo hogaamiyaha Qubrusta Gariiga, Nikos Anastasiades, wuxuu wariyey in Turkiga falkaas ku qabsomay kheyraadka dalalka.

Turkiga ayaa haatan maamula laba kamid ah kaabeyaasha ugu muhiimsan dhaqaalaha Soomaaliya oo kala ah – dekada iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho – kuwaasoo qandaraas sanado badan ku kacaya uu ka haysto.

Gariiga iyo Turkiga ayaa isku haya qadiyado ay kamid yihiin soo saaritaanka kheyraadka ku jira Bariga Mediterranean-ka, waxaana isa soo taraya dalabyada ku aadan in ay wadahadlaan, balse midkoodna uma hogaansamin baaqaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM