Dowladda Xasan Sheekh oo billowday qorshe lagu duminayo Maamulka Jubaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumaddiisa ayaa lagu eedeeyay inay wadaan qorshe cusub oo lagu dhisayo "maamul kale oo barbar socda" gudaha Jubbaland, si kor loogu qaado cadaadiska siyaasadeed ee saaran Madaxweyne Axmed Madoobe, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo siyaasadeed oo xog-ogaal u ah arrimaha federaalka.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay taagan tahay khilaaf xooggan oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, gaar ahaan arrimaha la xiriira qaabka doorashooyinka soo socda iyo isbeddelada lagu sameynayo dastuurka dalka.

Xiisaddan ayaa si xun u qaraxday bishii Diseembar 2024, markaas oo dagaal culus uu ka dhacay magaalada Raaskambooni, kaas oo u dhexeeyay ciidamo taabacsan labada dhinac, isla markaana sababay khasaare nafeed. Weerarkaasi ayaa loo arkaa mid muujinaya sida ay khilaafaadka siyaasadeed ugu sii gudbeen dhinaca militari.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa sii huriyay muranka, kaddib markii wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta loo xilsaaray inay diyaarsato hannaan sharci ah oo lagu beddeli karo maamulka Jubbaland. Go'aankan ayaa si weyn looga dareemay gudaha maamulka Jubbaland, waxaana laga cabsi qabaa inuu kor u qaado xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Inkastoo dowladda Federaalka aysan si toos ah u shaacin qorshe ku saabsan dhismaha maamul cusub, haddana falalka iyo hadallada kasoo baxay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan ayaa lagu fasiray inay qeyb ka yihiin dadaallo la doonayo in lagu wiiqo awoodda Axmed Madoobe, lana sameeyo hoggaan kale oo la jaanqaadaya siyaasadda Villa Somalia.

Siyaasiyiin iyo falanqeeyayaal ayaa ka digaya in tallaabooyinka noocan oo kale ah ay carqalad ku noqon karaan dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo midnimada qaran ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM