Dubbe oo fahfaahiyey shirka u furmay Farmaajo iyo xulafadiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta, Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa wuxuu warbaahinta maxaliga ah uga warbixiyey shirka u furmay Farmaajo iyo madaxda taabacsan.

Dubbe oo shir jaraa'id ku dhex-qabtay xerada Afasiyooni ayaa sheegay in shirka u bilowday madaxweynaah waqtiga ka dhamaadey, maamulada taabacsan iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ajendaha shirka maanta ayuu ka dhawaajiyey in uu ahaa isu soo dhowaanshiyo kahor wadatashiga guud oo uu tilmaamay in maalinta labaad oo berri ku beegan ay madaxda ka doodi doonto.

Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland oo ka maqnaa shirkii maanta ayuu rajeeyay in ay kusoo biiraan maalinta labaad "si qof walba gobolkiisa u aado una gudaha doorashooyinka.

Intii uu shirka jaraa'id ka hadlaayey, Dubbe ayaa ku nuux-nuux-saday in shirkaan uu daaran yahay "ayidida" iyo "fulinta" heshiisyadii hore ee madaxdu ka gaartay khilaafka doorashooyinka.

Hasa ahaatee, wuxuusan marnaba soo hadal-qaadin dooda Puntland, Jubaland iyo dhinacyada kale oo ah in kalka hore laga heshiisyo amniga, ciidanka iyo gabood-faladii ugu dambeeyay ee dhacay.

Dhanka kale, Dubbe ayaa beeniyay wararka sheegaya in Farmaajo iyo madaxda Puntland iyo Jubaland looga yeeray xarunta safaarada Mareykanka isla markaana halkaas lagu wada hadal-siinayo.

Ugu dambeyntii, wuxuu caddeeyay in suurtagal ay tahay in maalmaha loo qorsheeyay shirka oo ah laba casho ama saddex maalin ay kasii badan karto maadaama maalintii koowaad uu ku furmay si qabyo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM