Duqayn diyaaradeed oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Ugu yaraan 50 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ku jiraan hogaamiye sare, ayaa lagu dilay duqayn diyaaradeed oo ay fuliyeen ciidamada Soomaaliya iyagoo kaashanaya ciidamo caalami ah, waxaana duqayntu ka dhacday gobolka Shabeellaha Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la soo saaray Arbacada maanta ah, ayaa lagu xaqiijiyay in duqayntan ay ka dhacday deegaanada Damasha iyo Shabeelow, halkaasoo lagu beegsaday gaadiidka dagaalka Al-Shabaab.

War-saxaafadeedka waxa lagu sheegay in Mansoor Tima-Weeyne, hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, oo mas'uul ka ahaa diyaarinta iyo isticmaalka gaadiidka dagaalka ee weerarada, uu sidoo kale ku dhintay duqayntan. Tima-Weeyne ayaa dhawaan ka soo laabtay deeganka Bulo Fulay, wuxuuna waday gaadiid dagaal oo la soo hagaajiyay, kaasoo kooxda Al-Shabaab u isticmaashay weerarada.

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in duqayntan ay si taxaddar leh u qorsheeyeen, iyadoo lagu bartilmaameedsaday xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in hawlgalkan uu yahay guul weyn oo dharbaaxo ku ah awoodda dagaalka ee kooxda, islamarkaana uu qeyb ka yahay dadaallada socda ee lagu wiiqayo argagixisada gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM