Duqeyn ka dhacdey deegaano ka tirsan Shabeelada Hoose

Image

February 17, 2015 (GO)- Diyaarado aan ilaa iyo hadda la xaqiijin dalka laga leeyahay ayaa duqeyn ka geystey deegaanka Julib-Marka oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo duqeyntaas iyo khasaaraha ka dhashay, haseyeeshee wararka hordhaca ah ayaa tibaaxaya in bartilmaameedku ahaa fariisin ciidan oo xoogag Al-shabaab ku tirsani ku sugnaayeen.

Waa markii labaad muddo todobaad ah ee la duqeeyo fariisimaha Al-shabaab ee ku yaalla gobolada koonfureed ee dalka.
Dowlada Maraykanka ayaa bilihii u dambeeyey kordhisey duqeymaha ay ka geysaneyso dalka Soomaaliya.

September 1, 2014 duqeyn Maraykanku ka geystey deegaanka Haawaay oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxaa lagu diley hoggaamiyihii hore ee Al-shabab Axmed Cabdi Godane.

December 29, 2014 duqeyn kale oo diyaaradaha Maraykanku ka fuliyeen deegaanka Saakow ee gobolka Jubada Dhexe, waxaa lagu diley labo sarkaal oo ka tirsanaa hoggaanka ururka Al-shabaab. Labada nin midkood waxaa lagu magacaabi jirey Cabdinaasir Xasan Barakow Tahliil.

Jan 31, 2015 duqeyn ka dhacday deegaan dhanka bariga kaga beegan degmada Diinsoor ee gobolka Bay waxaa lagu diley sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu magacaabi jirey Yuusuf Dheeg. Ninkaasi sida la sheegay wuxuu ahaa madaxa sirdoonka iyo hawlgallada gudaha ee Al-shabab. 

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM