Xog la qariyey oo ku saabsan duqeyn laga fuliyey Soomaaliya oo la dusiyey

Image

WASHINGTON US – Bogga The Defense Post ayaa lagu daabacay in qoyska shaqaale ka tirsan Dowlada Soomaaliya ay waxyeelo kasoo gaartay duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey Jubada Dhexe, 2-dii Febraayo, 2020.

Maxamed Cusmaan Cabdi, mid kamida shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta gaar ahaan Tafaftiraha Wakaalada Wararka Qaranka qeybteeda English-ka ayaa xaqiijiyey in xubno kamida qoyskiisa soo gaartay dhibaatada.

Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika [AFRICOM] ayaa howlgalka kadib shaaciyey in hal dagaalame oo Al-Shabaab ay ku khaarijiyeen falkaas, isla markaana aysan waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah.

Balse, Cabdi oo u waramay DP ayaa shaaciyey in qiimeyntaas ay tahay mid aanan waxbo ka jirin.

"Qof aan saaxiibo nahay oo jooga Muqdisho oo isoo wacay ayaa igu yiri 'miyaad ka war haysaa in qaar kamid ah qoyskaaga dil iyo dhaawac loogu geystay duqeyn ka dhacday Jilib?'" ayuu Cabdi yiri.

Laba gabar oo uu dhalay seedigiis, Nuurto iyo Faadima, iyo hooyadiis, oo magaceedda uusan soo bandhigin, ayuu daboolka ka qaadey in lala beegsaday duqeynta iyagoo wada casheynaya.

"Nuurto oo 20-jir ah waa ay dhimatay. Faatima oo 15-sano jir ahna waxaa la dhigay Isbitaal iyadoo ka dhaawacan garabka midig iyo cajarka. Sodohdooda xaaladeeda aad bey u liidataa," ayuu raaciyey.

Wariyaha ayaa tilmaamay in ay hayaan caddeymo ku saabsan dhaawacyadda. Balse wuxuu sheegay in uusan hubin cidda qaadey sawiradda, waxaase loo badinayaa maleeyshiyada Al-Shabaab.

"Kaliya raaligelin"

Intii lagu guda jira wareysiga, Maxamed Cusmaan Cabdi ayaa soo bandhigay nuxurka kulan daarnaa xaaladda oo uu la yeeshay mas'uuliyiinta AFRICOM si uu cadaalad ugu raadiyo qoyskiisa.

"Waxaan la kulmay sarkaal ka socday qeybta warbaahinta ee AFRICOM. Waxaan u bandhigay sheekadeyda. Wuxuu kaliya igu yiri waan ka xumahay waxa ku dhacay qaraabadaada. Wuxuu ii sheegay in ay isku dayaan in ay wax wanaagsan sameeyaan si looga hortago in aysan beegsan shacabka," ayuu xusay.

Dhinacyadda ayaa isku arkay shir ka dhacay magaalada Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya.

Jilib oo duqeyntu ka dhacday ayaa qiyaastii 110 KM dhanka waqooyi kaga aadan Kismaayo, xarunta ku meel gaarka Jubaland.

Falcelinta dowladda

Ismaaciil Mukhtaar Cumar, afhayeenka dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeystay in duqeynta aysan khasaaro kasoo gaarin shacab.

"Illaa iyo haatan ma hayno waxyeelo soo gaarey shacab. Balse, waxaa qiimeyn doonaa macluumaadyadda xiga oo aan ka heli doono weerarka dhanka cirka ah," ayuu daaha ka rogay Ismaaciil.

Howlgalada uu Mareykanka la beegsado Al-Shabaab ayaa xogta khasaaraha waxaa la sheegaa in aanan loo gudbin xukuumadda federaalka.

Tirro dhowr jeer ayay horey u dhacday in dowladda aysan waxba ka qaban waxyeelo rayid loogu geystay duqeymaha Mareykanka.

Baaris

AFRICOM oo ka jawaabtay codsi ku saabsan hadalka Tafaftiraha SONNA ayaa qiratay in ay xog-ogaal u yihiin sheekadiisa isla markaana baaritaano dheeraad ah loo diray si loo hubiyo xaqiiqada dhabta ah.

"Waanu og-nahay in shacab ay waxyeelo kasoo gaartay duqeynta. Taliska wuxuu dib u eegis ku sameyn doonaa dhacdada, waxaana u raadin doonaa cadaalad," ayuu Karl Wiest.

Hay'adda Amnesty ayaa horey ugu eedeysay Mareykanka beegsiga shacabka Soomaaliya inta uu ku guda jiro howlgalada dhanka cirka. Waxyeelada rayidka waxay kordheen tan iyo markii uu xafiiska yimid Donald Trump.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo Qarka u Saaran Burbur Gudaha ah

Hay’adda oo uu hadda hoggaamiyo Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbalooshe” ayaa…

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:48PM

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM