Duqii Afgooye oo qarax ku geeriyoodey

Image

January 19, 2015 (GO)- Duqii degmada Afgooye Cali Cadow Jamiil ayaa ku geeriyoodey qarax ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi oo ku yaalla  inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxa oo sida lagu soo waramayo ka dhashay miino kuwa dhulka lagu aaso ah waxaa lala eegtay gaari noociisu ahaa Toyota Noah oo Cali Jamiil iyo ilaaladiisu saarnaayeen.

Weerarka oo mas'uuliyadiisa kooxda al-Shabaab sheegatay waxaa sidoo kale ku geeriyoodey labo qof oo kala ahaa wadihii gaariga iyo askari.

Mas'uulkan oo si weyn looga yaqaaney guud ahaan gobolka Shabeelada Hoose dhowaan ayaa loo soo magacaabay duqa Afgooye.

Qaraxa lagu diley duqii Afgooye ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho miino kula qaraxday labo nin oo sida la sheegay sitey walxaha qarxa weerarna qorsheynayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Isbahaysiga Al-Siisi iyo Afwerki [Heshiiskii Ankara oo fashilmay]

Masar ayaa ilaa haatan ciidamo tiradoodu gaareyso 10,000 u dirtay Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 11:56AM

Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka….

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 02:00AM