Duqii Afgooye oo qarax ku geeriyoodey

Image

January 19, 2015 (GO)- Duqii degmada Afgooye Cali Cadow Jamiil ayaa ku geeriyoodey qarax ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi oo ku yaalla  inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxa oo sida lagu soo waramayo ka dhashay miino kuwa dhulka lagu aaso ah waxaa lala eegtay gaari noociisu ahaa Toyota Noah oo Cali Jamiil iyo ilaaladiisu saarnaayeen.

Weerarka oo mas'uuliyadiisa kooxda al-Shabaab sheegatay waxaa sidoo kale ku geeriyoodey labo qof oo kala ahaa wadihii gaariga iyo askari.

Mas'uulkan oo si weyn looga yaqaaney guud ahaan gobolka Shabeelada Hoose dhowaan ayaa loo soo magacaabay duqa Afgooye.

Qaraxa lagu diley duqii Afgooye ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho miino kula qaraxday labo nin oo sida la sheegay sitey walxaha qarxa weerarna qorsheynayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM