Duulimaad musaafurin kuna soo wajahnaa Muqdisho oo la wareejiyay

Image

BERLIN, Germany – Duulimaad ay saarnaayeen tobban Itoobiyaan ah oo laga soo tarxiilay magaalada Munich ee dalka Jarmalka kuna hakan lahaa ayaa dib u dhacay, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Sidda lagu daabacay InfoMigrants, baaqashadaas waxaa sabab u ah in uusan jirin heshiis u dhaxeeya mas'uuliyiinta Soomaaliya iyo Germany.

Muwaadiniintaas Itoobiyaanka ah oo aan la ogeyn sababta loosoo musaafuriyey ayaa Talaadadii, 27-ka October waxay ka dageen Addis Ababa.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jarmalka iyo Hay'adda Xuduudaha Midowga Yurub ayaa lagu waramay in ay kireeyeen diyaaradda lagu tarxiilay shaqsiyaadkaas ay da'dood au dhaxeysa 24-sano jir illaa iyo 54-sano jir.

Xafiiska gobolka Bavaria ee Magangalyo-dooneyaasha iyo Dib-u-celinta qaxootiga ayaa tibaaxay in qorshahooda u ahaa in tobbankooda ay sii maraan magaaladda Muqdisho balse ay ku guuldareysteen.

Inkasta oo qoraalka xafiiska aan lagu fahfaahin, haddana lama ogga hadii dadka lasoo tarxiilay ay kamid yihiin Soomaali kasoo jeeday magaalada Muqdisho iyo baahida dhabta ee keentay in lasoo marsiiyo Muqdisho.

Jarmalka ayaa sanadihii ugu dambeeyay wuxuu qaabilay muhaajiriin Afrikaan ah kuwaasoo tirro badan oo kamid ah ay Soomaali yihiin.

Inta badan qaxootiga ayaa wadamada ay tagaan looga soo musaafuriyaan in ay ku kaceen fal-dambiyeedo ay waxyeelo kasoo gaartey dad kale oo shacab ah ama in ay jebiyeen sharciyo laf-dhabar ah oo wadankaas u yaala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM