Duulimaad musaafurin kuna soo wajahnaa Muqdisho oo la wareejiyay

Image

BERLIN, Germany – Duulimaad ay saarnaayeen tobban Itoobiyaan ah oo laga soo tarxiilay magaalada Munich ee dalka Jarmalka kuna hakan lahaa ayaa dib u dhacay, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Sidda lagu daabacay InfoMigrants, baaqashadaas waxaa sabab u ah in uusan jirin heshiis u dhaxeeya mas'uuliyiinta Soomaaliya iyo Germany.

Muwaadiniintaas Itoobiyaanka ah oo aan la ogeyn sababta loosoo musaafuriyey ayaa Talaadadii, 27-ka October waxay ka dageen Addis Ababa.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jarmalka iyo Hay'adda Xuduudaha Midowga Yurub ayaa lagu waramay in ay kireeyeen diyaaradda lagu tarxiilay shaqsiyaadkaas ay da'dood au dhaxeysa 24-sano jir illaa iyo 54-sano jir.

Xafiiska gobolka Bavaria ee Magangalyo-dooneyaasha iyo Dib-u-celinta qaxootiga ayaa tibaaxay in qorshahooda u ahaa in tobbankooda ay sii maraan magaaladda Muqdisho balse ay ku guuldareysteen.

Inkasta oo qoraalka xafiiska aan lagu fahfaahin, haddana lama ogga hadii dadka lasoo tarxiilay ay kamid yihiin Soomaali kasoo jeeday magaalada Muqdisho iyo baahida dhabta ee keentay in lasoo marsiiyo Muqdisho.

Jarmalka ayaa sanadihii ugu dambeeyay wuxuu qaabilay muhaajiriin Afrikaan ah kuwaasoo tirro badan oo kamid ah ay Soomaali yihiin.

Inta badan qaxootiga ayaa wadamada ay tagaan looga soo musaafuriyaan in ay ku kaceen fal-dambiyeedo ay waxyeelo kasoo gaartey dad kale oo shacab ah ama in ay jebiyeen sharciyo laf-dhabar ah oo wadankaas u yaala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM