Duulimaadka Kismaayo oo markale la mamnuucay [Go'aan culus]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay go'aan kale oo lagu joojinayo duulimaadkii diyaaradaha magaaladda Kismaayo, ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska hay'adda duulista hawada Xukuumadda ayaa lagu shaaciyay in la mamnuucay duulimaadkii diyaaradaha tooska ee Kenya iyo Kismaayo, oo lagu wado inay ka dhacdo caleemo saarka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Amarkan ayaa lagu soo beegay xilli maalin kahor Xukuumadda Soomaaliya ay qaadey xayiraadii Kismaayo ee dhanka diyaaradaha, iyadoo ay caasimadda KMG ee Jubbaland ay isagu tageen madax kala duwan oo lagu casuumay caleemo saarka.

"Dhamaan duulimaadka ka yimaada meel kasta oo Kenya katirsan, ee tagi jiray Kismaayo waa la mamnuucay," ayaa lagu yiri qoraalka, oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online.

Go'aankan ayaa sidoo kale lasoo saarey xilli dowladda Kenya ay sheegtay inay wafdi ballaaran u dirayso Kismaayo, kaasoo ka qeybgali doona caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa mudooyinkii dambe aad usoo xumaanayay, iyadoo Xukuumadda Muqdisho maalmo kahor UN-ka u gudbisay dacwad ka dhan ah xukuumadda Nairobi, taasoo uga ashtakoonaysa ku xad-gudub ay sheegtay in Kenya ku sameysay hawada Soomaaliya.

Hay'adda ayaa ku celisay go'aankii hore ee ahaa in la amrayo diyaaradaha sameeyay duulimaadka maxaliga iyo kuwa caalamiga ee u safraya Kismaayo in looga baahan yahay, oo khasab ku tahay inay marka hore ka degtaan Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM