Duulimaadka Kismaayo oo markale la mamnuucay [Go'aan culus]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay go'aan kale oo lagu joojinayo duulimaadkii diyaaradaha magaaladda Kismaayo, ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska hay'adda duulista hawada Xukuumadda ayaa lagu shaaciyay in la mamnuucay duulimaadkii diyaaradaha tooska ee Kenya iyo Kismaayo, oo lagu wado inay ka dhacdo caleemo saarka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Amarkan ayaa lagu soo beegay xilli maalin kahor Xukuumadda Soomaaliya ay qaadey xayiraadii Kismaayo ee dhanka diyaaradaha, iyadoo ay caasimadda KMG ee Jubbaland ay isagu tageen madax kala duwan oo lagu casuumay caleemo saarka.

"Dhamaan duulimaadka ka yimaada meel kasta oo Kenya katirsan, ee tagi jiray Kismaayo waa la mamnuucay," ayaa lagu yiri qoraalka, oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online.

Go'aankan ayaa sidoo kale lasoo saarey xilli dowladda Kenya ay sheegtay inay wafdi ballaaran u dirayso Kismaayo, kaasoo ka qeybgali doona caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa mudooyinkii dambe aad usoo xumaanayay, iyadoo Xukuumadda Muqdisho maalmo kahor UN-ka u gudbisay dacwad ka dhan ah xukuumadda Nairobi, taasoo uga ashtakoonaysa ku xad-gudub ay sheegtay in Kenya ku sameysay hawada Soomaaliya.

Hay'adda ayaa ku celisay go'aankii hore ee ahaa in la amrayo diyaaradaha sameeyay duulimaadka maxaliga iyo kuwa caalamiga ee u safraya Kismaayo in looga baahan yahay, oo khasab ku tahay inay marka hore ka degtaan Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM