Duuliyaha diyaaradii shilka ku gashay Aadan Cadde oo la baarayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlihii garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa si caadi ah dib ugu soo laabanaya kadib shilkii diyaaradii ee galabnimadii Arbacadda ka dhacay madaarka.

Shilka oo aanan geysan wax khasaaro ah - dhimasho ama dhaawac - ayaa waxaa sababtay diyaarad nooca xamuulka ah taasoo ay lugaha u bixi waayeen.

Duuliyaha ayaa kadib dhacdadaas waxa uu si nabdoon xabadka dhulka ugu dhigay dhabaha ay diyaaraduhu cago dhigtaan.

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxay sababta keentay in ay diyaaraduhu cagaha ugu soo bixiyaan, kuwaasi oo la baarayo.

Illo wareedyadda koowaad ayaa waxay ku sharaxayaan in ay la xiriirto in ay siday xamuul badan oo lagu sheegay 9 Megatonne.

Diyaaradaha xamuulka ah ayaa kaliya loogu talogalay 7.5 Megatonne. Hadii ay timaado in la saaro rarar tankiisu yahay 9 Megatonne waxay ka dhigan tahay in lagu rarar xad ka dhan inta loogu talogalay.

"Diyaaradda ayaa kusii jeeday magaaladda Diinsoor ee gobolka Bay," ayay yiraahdeen illo wareedyadda koowaad oo u waramay GO. Lama oggaan wali shirkadda iska leh diyaaradda.

Dhinaca kale, dhowr qof oo xog ogaal ah ayaa waxay daboolka ka qaadayaan in mas'uuliyiinta ay sidoo kale baaritaan ku bilaabeen duuliyihii diyaaraddaas.

"Baaritaanka ayaa ku qotomo suurtogalnimadda in uu shilku ku yimid qaladad uu sameeyay duuliyaha," ayay hadalkooda kusii dareen, iyaga oo codsaday in aan magacyadooda la adeegsadan.

Madaarka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho ayaa maalin walba waxaa ka duula tobanaan diyaarad, oo isugu jira heer maxali ah iyo caalami ah una kala goosha dalalka caalamka iyo gobolada waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM