Eedeyn culus oo loo jeediyey guddiga doorashooyinka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa dusha saartay mas'uuliyad aysan ahayn oo la xiriirta qabsoomida coddeynta soo aadan, sidda uu shaaca ka qaadey hogaamiye xisbi siyaasadeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, ayaa ganafka ku dhuftay soo jeedinta guddiga ee labada nooc doorasho, isagoo ku sifeeyay wax aanan u cuntami kara dadka.

"Guddiga doorashadda fuundi gurri dhisaayo ma ahanoo dhahaya 'hadii intaan la keenayo intaanaa ku baxee' doorashadda waa afar qodob; waa farsamo waa midda ugu yar, waa siyaasad heshiis laga yahay, waa sharci doorasho ku shaqeeya, waa dhaqaale lagu qaban lahaa; waa amnigii; guddiga marka waxay sameeyeen qeybtii ug yareyd ee farsamada ayay noo keeneyn," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyey telefishinka maxaliga ah ee Shabelle.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey: "Guddiga iyaga mid eed kuma lahan, midna waa ku leeyihiin; amniga in ay wax ka qabtaan shaqadooda ma ahan, dhaqaalo in ay keenaan shaqadooda ma ahan, siyaasad heshiis lagu yahay in ay keenan shaqadooda ma ahan, sharciyadii doorashada lagu qaban lahaa in ay keenaan shaqadooda ma ahan, iyaga farsamadaa laga rabaa".

"Midda ay eeda ku leeyihiin ayaan kuu sheegaya marka, waxay rabaa dowladda in ay asturaan, waxay u asturayaan caqabadaha amniga iyo dhaqaalaha ma sheegin; guddiga waxay sameeyeen hoosaasin, waxay ku hoosaasiyeen; waxay ka dhigeen doorashada mid kaliya ku xiran diiwaan-gelin…meeshan waxaa la rabaa muddo kordhin," ayuu siyaasiga kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Gudoomiyaha guddiga Xaliima Yarey oo bishii hore hortagtay Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ayaa soo bandhigtay laba nooc doorasho oo kala dhaceysa 13 bilood kadib iyo sagaal bilood kadib.

Xaliima Yarey ayaa cuskatay in doorashadda dhaceysa 13-ka bilood kadib ay ku saleysan tahay diiwaan-gelinta casriga ah kuna baxeyso dhaqaale badan, halka tan 9-ka biloodka kadibna ay tahay diiwaan-gelin gacanta ah.

Maamul goboleedyadda qaar ee dalka iyo xisbiyadda mucaaradka oo diidey labadaas nooc doorasho ayaa ku sifeeyay "mid lagu hoosaasinayo" muddo kororsi loo sameeyo hay'addaha dastuuriga ah ee waddanka.

Guddiga ayay cod dheer kaga dalbadeen in ay xafiiska baneeyaan maadaama ay ku fashilmeen in ay dalka ka qabtaan doorasho qof iyo cod ah oo kamid ahaa waajibaadyadda looga fadhiyey dowladda Farmaajo.

Baarlamaanka haatan shaqeeya ee Soomaaliya ayaa waqtigu ka dhacayaa bisha November ee soo aadan, halka madaxweynaha uu ka dhamaanayo Febraayo, 2021, waxaana mugdi ku jiraa hadii doorasho qabsoomeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM