Eedeyn loo jeediyey Farmaajo oo uusan marnaba ka jawaabin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyaddoo uu gabaabsi yahay muddo xileedka madaxweynaha dalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmajo, waxaa jirta eedeyn culus oo loo jeedinayo balse uusan wali si furan uga jawaabin.

Eedeyntaas oo ah mid xoogan kana imaaneysa madaxda maamulada qaar iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ah in uu yahay "kalitalis". Sidoo kale, waxaa lagu sifeeyay "mid maroor-sanaya talada waddanka".

Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Jubbaland oo wadashaqeyn buuran aysan kala dhaxeyn dowladda Farmaajo, ayaa kamid ahaa mas'uuliyiintii ugu horeysay ee eedeyntaas u jeedisay mdaxweynaha.

"Soomaaliya ma joogto xilli uu qofka talin karo; oo oran karaya 'waxaan annaa iri, sidaan annaa iri iyo tannaa aniga ila quman' waxay Soomaaliya halkaan lagu soo gaadhey wadatashi, isu-dabacsanaan, maxaa kula quman, see fekerku yahay, [iyo] dastuurka muxuu qabaa," ayuu ku yiri khudbadiisa 1-da Luulyo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir kana mid ah siyaasiyiinta luuqada adag kula hadla Villa Soomaaliya, ayaa ka digay Falsafada xukun ee "Aniga" iyo "kaligii wadaniga".

"Falsafada xukun ee “Aniga” iyo “kaligii wadaniga” ku dhisan waxay leedahay waa in Madaxweynaha iyo Maalinta Xorriyada ha la isku laro, sawirkiisana meel walba lagu xardho, la qariyana kuwii Xorriyada keenay," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee mareegaha Facebook.

Farmaajo oo la sheegay in dhaqankaas uu lasoo baxo marka uu wadahadalo kula jiro saamileyda siyaasadda ayaa lagu eedeeyay in uu kasoo horjeeda nidaamka federaalka, rabana dowlad dhexe oo awood leh.

Si gaar ah, waxaa la wariyey in qadiyadaha uu doonayo in isaga iyo kooxda ku hareereysan ay xusul-duub ugu jiraan in ay go'aan ka gaaraan waxaa kamid ah hanaanka loo marayo doorashooyinka soo aadan.

Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha dowladda Puntland oo hogaanka dalka xusuusiyey in aysan six un wax u doonin, ayaa uga digay cawaaqibka ka imaan kara in ay u awood sheegtaan maamul goboleedyadda.

"Waxaan ugu baaqayaa siyaasiyiinta, wax-garadka iyo dadka Soomaaliyeed in caadifadda aysan ka xoog badin mujtamaca Soomaali waa dad aan kala maarmin, waa dad walaalo ah, waxaa tusaale u ah magaalada Gaalkacyo oo dadka Soomaaliyeed sidduu u kala qeybsamay u kala qeybsantay, maantana waddooyinka isku furtay, gacmanaha is haysata garowsadayna inay kala maarmeyn muddo dheer kadib," ayuu yiri habeenkii 1-da Luulyo.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ahna gudoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran, ayaa hoosta ka xariiqay in aan la aqbali karin dib u dhac ku yimaada doorashada iyo muddo kororsi.

"Dadka qaar waxay leeyihiin adi waad ku darsatay, madaxweyne Xasan Sheekh waa ku darsaday, hebelow waa ku darsaday, oo ma dhamaaneyso miyaa iyadda [muddo kororsiga] ma iska soconeysaa? Wax kalaa idin kugu daraa aniga horta inta aan joogay oo xukunka aan haayey afar sano ma dhama, raggan afar sano ma haysteen doorasho maku keeni waayeen, miiska ha iska keenan lama haystee, talada dhinac haka galaano," ayuu ku yiri khudbadiisa 1-da Luulyo.

Farmaajo ayaa noqdey hogaamiyihii labaad ee soo mara taariikhda Soomaaliya ee lagu soo saaro bayaanka "Qaylo-dhaan Qaran" kaas oo loogu baaqay in uu xaliyo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira kahor inta aysan kasii darin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM