Eedeysanihii loo haystay dilka xaaskiisa oo laga soo dejiyay Muqdisho

Image
Eedeysanaha ayaa laga soo qabtay deegaanka Gabdhaale oo hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Muqdisho, Soomaaliya - Eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo loo haysto inuu Basiin ku bilbilay isla markaana gubay xaaskiisa Luul Cabdicasiis ayaa maanta la keenay magaalada Muqdisho, si loo horgeeyo Cadaaladda.

Sayid Cali oo maalmahan laga baadi-goobaayey Caasimadda Muqdisho & gobollada dalka ayaa laga soo qabtay deegaanka Gabdhaale oo hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Aabaha dhalay Luul Cabdicasiis oo waarbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laamaha amaanka ay guteen waajib koodii, waxa uuna ka codsaday maxkamadda awoodda u leh inay go’aan ka gaarto kiiskaan.

Luul Cabdicasiis ayaan wali la aasin, iyada oo ehelkeeda ay ku cadaadinayaan hay’adaha amniga & garsoorka inay gabdhooda ay cadaalad hesho loona qisaaso eedeysanaha.

Luul Cabdicasiis ayaa Jimcihii ku geeriyootay mid ka mid ah Isbitaalada Muqidhso iyada oo la il daran dhaawac ka soo gaaray dab la qabdsiiyay sida ay shaaciyeen ehellada Marxuumka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM