El-Sisi oo u ballan qaaday Soomaaliya taageero dhan walba ah

Image
El-Sisi ayaa carrabka ku dhuftay inaysan oggolaan doonin in loo hanjabo Soomaaliya.

Qaahira (GO) - Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa xaqiijiyay in Masar aysan ogolaan doonin wax kasta oo khatar ku ah Soomaaliya iyo amnigeeda, isaga oo intaas ku daray in Masar ay diiddan tahay inay fara-geliyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

El-Sisi ayaa carrabka ku dhuftay inaysan oggolaan doonin in loo hanjabo Soomaaliya, gaar ahaan haddii ay ka codsadaan inay soo farageliyaan, sida uu hadalka u dhgay.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inta uu kulanka socday in Soomaaliya ay dooneyso inay Masar kala shaqeyso sidii loo xoojin lahaa ammaanka, gaar ahaan xilligan oo ay jirto xaalad-siyaasadeed.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in Iskaashiga Masar iyo Soomaaliya ee dhinac walba ah uusan ahayn mid halis gelinaya amaanka dal gaar ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka shaqaynaysa sidii ay taageero ugu ururin lahayd mawqifkeeda ay ku diidan tahay heshiiskii horraantii bishan ay wada saxeexdeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM