Erdogan iyo wafdigiisa oo berri Muqdisho kusoo wajahan

Image

January 22, 2015 (GO)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay maalinta berri ah soo gaaraan magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaiya. 

Diyaar garow xooggan ayaa loogu jiraa sidii wafdigaas loo soo dhoweyn lahaa, waxaana si weyn loo adkeeyey ammaanka iyadoo maalintii saddexaad ay xiran yihiin qaar kamid ah jidadka muhiimka ah. Dhanka kale waxaa kor loo qaaday bilicda magaalada, calamada Turkiga iyo Somalia ayaana la suray wadooyinka waaweyn iyo xarumaha dowlada.

Wafdiga Madaxweynaha Turkiga oo ka kooban in ka badan 100 xubnood waxaa ku jira wasiiro iyo tobanaan maalgashadeyaal ah oo Turkish ah.

Booqashada Recep Tayyib Erdogan oo noqoneysa tii labaad ee uu Muqdisho ku yimaado wuxuu qorshuhu ahaa inay kusoo beeganto maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay, haseyeeshee dib u dhac ayaa ku yimid kadib markii uu geeriyoodey Boqorkii Sucuudiga Boqor Cabdallah Bin Cabdulcaziiz.

Sanadkii 2011, markaasoo macaluuli ka jirtey qaybo kamid ah gobolada koonfureed ee dalka ayaa Erdogan -oo xilligaas ra'isul wasaare ahaa- iyo xaaskiisu booqasho taariikhi ah ku yimaadeen Muqdisho. Booqashadaas ayaa indhaha caalamka usoo jeedisey Soomaaliya. 

Mudada uu Muqdisho ku sugan yahay, Madaxweynaha Turkigu wuxuu la kulmi doonaa madaxda dalka, qaybaha kala duwan ee bulshada isagoo sidoo kale booqan doona mashaariic dowlada Turkigu ka fulisey Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM