Ergada Soomaaliya iyo Sacuudiga ee OIC oo kulmay

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo xiriirkooda uusan fiicneyn sanadihii dambe ayaa kawada hadlay qaababka ay u xoojin karaan iskaashiga ka dhaxeeya, sidda lagu daabacay warsidaha Arab News.

Wadaxaajoodkaas wuxuu dhexmaray wakiilada labada waddan u fadhiya Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo Muqdisho oo ku metelo Cabdirisaaq Saciid Cabdi, halka Riyadh uu u qaabilsan yahay diblumaasiga Saleh Hamad Al-Suhaibani.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, labada mas'uul ayaa isla soo qaadey in caqabadaha haatan jira la xaliyo iyadda oo la eegayo wadajirka dalalka Islaamka.

"Al-Suhaibani wuxuu sheegay in iskaashiga iyo wadajir dalalka xubnaha ka ah ururka ay ahmiyadda koowaad u tahay Sacuudi Carabiya," ayuu bogga wariyey.

Dhanka kale, danjire Cabdirisaaq Saciid Cabdi ayaa ku nuux-nuux-saday in muhiim ay tahay in diiradda la saaro nabada, xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya.

"Wuxuu ku ammaanay Boqortooyadda [Sacuudi Carabiya] taageerada bini'aadanimo iyo midda horumarineed oo ay la garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta oo daabacay boggan.

Dowladda waqtiga ka dhacay ee Farmaajo ayaa bilooyinka ugu dambeeyay ee xil-heynteeda waxay bilowday in ay ku dedaasho soo celinta xiriirka kala dhaxeeya qaar kamid ah dalalka Khaliijka oo ay hoos-u-dhigtay maalmaheedii bilowga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM