Ergayga Soomaaliya ee UN-ka oo loo diidey khudbad uu jeedin lahaa

Image

NEW YORK, US – Soomaaliya ayaa waxay codsatay in dib u qaabeyn lagu sameeyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya [UNSOM] kaasoo ay ku eedeysay in uusan aduunka la wadaagin horumarka dowladdu gaartey.

Abuukar Cusman Baalle, erayga joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UN-ka, ayaa qoraal uu soo saarey eedaas ku hubiyey UNSOM oo aan wali jawaab rasmi ah ka bixin dhaliishaas aadka u xooga badan.

"Tani waxay sababtay in shaqada howlgalka ay noqotay ka falcelinta dhacdooyinka, iyaddoo ay gaabis tahay taageeradiisa siyaasadeed iyo tan farsamo ee natiijooyinkan waqtigan adag ay muhiim u tahay ajendaha dowlad dhisida Soomaaliya," ayuu Cusmaan ka dhawaajiyey.

Sidda uu aaminsan yahay Cusmaan, UNSOM waa in ay wajahdaa xaqiiqooyinka dhulka yaala ugana falceliso sidda ay u kala muhiimsan yihiin. Xoghayaha guud ee UN-ka ayuu ku booriyey qiimeeyo shaqada howlgalka.

"[Dib-u-habeyntaas] waxay dhabaha u xaareysaa jid cusub oo taageerada caalamiga ah ku gaari karto ammaanka Soomaaliya wixii ka dambeeya 2021," ayuu ku daray qoraalkan dhaleeceynta culus wata.

Diblumaasiga ayaa rumeysan in la joogo waqtigii isbedel dhab ah lagu sameyn lahaa waajibaadka howlgalka oo shalay uu muddo kordhin u sameeyay Golaha Ammaanka isla markaana gaarsiiyey 31-da August, 2021.

Sidda ay tibaaxayaan warar xog-ogaal ah, Cusmaan ayaan la siin fursad uu kaga hadlo kulankii lagu cusbooneysiinayey xil-heynta UNSOM. Caadiyan, wakiilada joogtada ah way ka hadlaan fadhiyada golaha marka laga doodayo qadiyado ku saabsan wadamada ay magacooda ku joogaan New York.

Hal illo wareed ayaa u sheegay Garowe Online in talaabada loogu diidey in uu kasoo muuqdo kulankaas ay la xiriirto "dhaleeceynta xoogan ee uu u jeediyey UNSOM". Xafiiskiisa kama jawaabin dalab fahfaahin ah.

Dowladda Ingiriiska ayaa soo jeedisay muddo kordhin sagaalka bilood ah. Balse, waxay ogolaatay 12 bilood oo xubnaha kale ay isku raaceen.

Soomaaliya ayaa December, 2018 eriday ergaygii Qaramada Midoobay, Nicholas Haysom, oo ay ku eedeysay in uu ku milmay siyaasada. Ceyrinta waxay timid markii uu ka naqdiyey faragelin xukuumadu sameysay.

Faragelintaas ay ku sameysay doorashadii Koonfur Galbeed ayaa keentay isku dhacyo dhimasho sababay. Haysom wuxuu ku tartarsiiyey dowladda in ay jawaabto su'aallaha ku geedaaman dhacdooyinkaas xanuunka badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ingiriiska oo Hakiyay Wadahadallada Israel xilli Colaadda Gaza Sii Kordhayso

Tallaabadan UK ayaa astaan u ah cadaadiska siyaasadeed ee sii kordhaya ee caalamka…

  • Soomaliya

    20-05-2025

  • 04:33PM

Weerar Hoobiye oo lagu qaadey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Garoonka Aadan Cadde ayaa hoy u ah xafiisyada Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah safaaradaha shisheeye.

  • Soomaliya

    20-05-2025

  • 09:11AM