Eritrea oo "dhex-gashay" feylasha sirdoonka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Eritrea ayaa si weyn ugu dhex-milantay xafiisyadda Hay'adda Mukhaabaraadka Soomaaliya, sidda uu shaaca ka dhigay taliye ku xigeenkii hore ee hay'adda NISA, Cabdisalaam Guuleed.

Mr Guuleed oo u waramay Hanoolaato TV ayaa daaha ka rogay in xukuumadda Asmara ay saraakiil sirdoon kusoo daabushay caasimadda Muqdisho tan iyo markii ay heshiis la galeen maamulka madaxwayne Farmaajo.

Sidda laga soo xigtay sarkaalkan, maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh argagixisada Al-Qaacida ayaa sidoo kale dhex-gashay hay'ada NISA.

"Hay’addihii sirdoonka Soomaaliya Fahad waa burburiyey. Bal waxaan is-leeyahay aad ayay u adag tahay meesha laga soo qaadi doono. Sababtoo ah dhilqaha ku dhex-jira, iyo xasharaadka ku dhexjira ee ah Shabaab, waxa kale iyo Eritrea," ayuu ku sheegay wareysi dhinacyo kala duwan taabanaya oo uu bixiyey.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Saraakiishii Eritrea ee tababarayay Maxaakiimta iyo Al-Shabaab dowladdii Sheekh Shariif ayaa maanta ku sugan xarunta Habar Khadiijo, garoonka diyaaradaha Muqdisho ayay joogaan".

"Waana sidda ay ula dhaqmeen dowladda Itoobiya markii ay heshiiyeen – hal mar ayay kusoo yaaceen Itoobiya, feelashii sirdoonka ayay dhex-galeen, dhilqa camal ayay u dhaxgaleen. Maanta Xamar ayay ka ariminayaan. Marka nabad-sugida Soomaaliya waxay u baahan taahy wax badan in lagaxaliyo," ayuu xusay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Guuleed ayaa ku eedeeyay Farmaajo in uu kumanaan askar Soomaaliyeed "ku sadaqeystay" Eritrea. Dhalintaas waxaa lagu duufsaday in laga shaqaaleysiinayo Qadar, balse waxaa loo qaadey tababar ciidan.

Marka laga soot ago sheegashadda Mr Guuleed, warsidaha Garowe Online si madax-banaan uma xaqiijin karo eedeymaha uu jeedinayo.

Hay'adda NISA ayaan wali jawaab rasmi ah ka bixin dhawaqa Guuleed oo bilooyinkii lasoo dhaafay aad u dhaliilaya maamulka Farmaajo.

Dowladda muddo xileedkeeda uu dhamaaday ee Farmaajo oo go’aanada ay qaadaneyso kuwooda ugu saameynta badan uu leeyahay Fahad Yaasiin, agaasimaha NISA, ayaa gacansaar dhow la leh dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM