Eritrea oo mowqif cad ka qaadatay tababarida ciidanka Soomaaliya

Image
Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki oo waraysi bixiyay ayaa arrinkan si weyn uga hadlay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki oo waraysi siiyey warbaahinta gudaha dalkaas ayaa ka hadlay arrimo muhiim u ah gobolka oo ay ka mid yihiin xaaladda Geeska Afrika, badda cas, colaadaha gudaha ee Itoobiya, iyo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ay wada gaareen Soomaaliya, Masar iyo Eritrea— kaasoo ay Itoobiya u aragtay mid khatar ku ah xasiloonideeda.

Afwerki waxa uu iftiimiyay in Ereteriya aysan raadinayn burburinta Itoobiya balse ay ka go’an tahay dadaallo wadajir ah oo u dhexeeya saddexda waddan si ay uga hortagaan wax kasta oo khatar ku ah ammaankooda, gaar ahaan dhinaca badda cas.

Dhanka Itoobiya, Afwerki waxa uu colaadaha socda u nisbeeyey qaab-dhismeed dawladeed oo ku salaysan qawmiyad, isaga oo saadaaliyay in xasillooni-darro ay sii jiri doonto inta nidaamyadan oo kale jiraan.

Dhanka Soomaaliya, wuxuu daboolka ka qaaday in Eritrea ay tababartay kumannaan askari oo Soomaali ah, ayna weli sii waddo tababarradaas, taasoo ujeeddadeedu tahay inay sare u qaaddo ammaanka gobolka.

Afwerki ayaa ku booriyay dalalka Afrika inay midoobaan oo ay diidaan fikradaha reer galbeedka, oo uu ku tilmaamay inay yihiin gumaysi cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM