Faah faahin ku saabsan weerarkii Al-shabaab ee Baydhabo

Image

March 11, 2015 (GO)- Ugu yaraan siddeed qof ayaa geerioodey ku dhowaad toban kalena way dhaawacmeen kadib markii gelinkii hore ee maanta koox Al-shabaab ka tirsani weerar qorsheysan kusoo qaaddey xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Kooxda weerarka soo qaaddey ayaa ka koobnayd saddex nin oo kusoo lebistey direyska ciidamada waxayna isku dayeen inay gudaha u galaan xarunta madaxtooyada balse iska-caabbin xooggan ayey kala kulmeen ilaalada madaxtooyada.

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa gurmad ahaan daqiiqado kadib goobta u yimid, waxaana ciidamada is garabsanaya iyo kooxda weerarka soo qaaddey dhex maray iska hor imaad qaatey muddo labo saac ku dhow.

Ugu dambeyntii waxaa lagu guuleystey in la dilo saddexdii nin ee weerarka fulisey, waxaa sidoo kale dagaalka ku geeriyoodey afar askari oo labo kamid ahi Itoobiyaan ahaayeen.

Dhanka kale, gaari la sheegay in kuwa weerarka fuliyey wateen oo noociisu ahaa Toyota Noah ayaa qarxey. Gaariga qarxay waxaa qabtey ciidamada ammaanka kadib markii laga helay qori iyo rasaas.

Dareewalkii gaariga  waa la xirey, gaarigana bartii lagu qabtey ayaa looga tegey si miino baarku ugu yimaadaan, balse saddex kamid ah askarta booliska ayaa kahor intaysan miino baarku imaan gaariga kaxeeyey iyagoo sheegay inay xaafadaha dhexdooda ka saarayaan si khatartiisu u yaraato.

Gaariga oo bam nooca meelaha fog laga hago ah horay loogu soo rakibey wuxuu qarxay waxyar kadib markii uu magaalada ka baxay, waxaana halkaas ku dhintey saddexdii askari ee saarneyd.

Xaaladda Baydhabo ayaa xilligan ah mid deggen, waxaana weerarkaas si kulul u cambaareeyey madaxda Dowladda Federaalka iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM