​Faah faahin qaraxa magaalada Baladweyne

Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Faah faahin dheeraad ah oo laga helayo khasaaraha ka dhashay weerar saaka lagu qaaday saldhigga ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baladweyne, ayaa sheegaya inay ku dhinteen tiro kamid ah ciidamadaas.

Waxaa la xaqiijiyay geeridda saddex Askari iyo labo qof oo shacab ah.

Waxaa sidoo kale jira khasaaro isugu jira dhaawac iyo bur-bur hantiyeed oo soo gaaray dadkii ka agdhawaan saldhigga la weeraray oo ay daganyihiin ciidamo qayb ka ah AMISOM.

Fariimo la soo dhigay barta rasmiga ah ee Twitterka ee Amisom ayaa lagu sheegay in weerarka uu isugu jiray qarax ismiidaamin ahaa iyo rag 10 gaaraya oo hubeysan oo weerar ku qaaday xerada.

Weerarkan ayaa loo adeegsaday gaari noociisu yahay UD oo dushada laga soo saaray Bal-Cowska xooluhu cunaan-balse lagasoo buuxiyay walxaha qarxa.

Jabuuti ayaa Soomaaliya ka joogaan ciidamo ka badan 2000 askari kuwaasi oo ka hawlagal gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey qaraxa magaalada Beledweyne, waxaana uu tacsi u diray dhiggiisa dalka Jabuuti.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM