​Faah faahin: Sarkaal sare oo ka bad-baaday weerarka The Village ee Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay Qarax Saaka ka dhacay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, kaasoo la doonayay in lagu Khaarajiyo Sarkaal sare oo katirsan ciidanka Booliiska.

 Col Maxa'ed Daahir, oo Taliyaha ciidamada Booliska Waliyow Cadde ayaa si dirqi ah uga badbaaday Qarax Ismiidaamin ah, oo saakay ka dhacay magaalada Muqdishu, ee xarunta dalka Somalia.

Qaraxa oo uu fuliyay Naftii halige watay Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa ayaa abaarey Maqaaxida the Village, xilli halkaasi uu marayay Gaari uu watay Col Maxa'ed Daahir, sida Goobjooge u sheegay GO.

Taliye Maxa'ed Daahir oo Warbaahinta Muqdishu la hadlay ayaa sheegay inuu ka badbaaday weerarka, balse labo kamid ah ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda Qaraxa, oo kusoo beegmayo xilli la isu diyaarinayo dhaarinta mudanayaasha Barlamanka Federaalka Somalia.

Ammaanka Muqdishu, ayaa sii xumaaday kadib markii ay soo dhawaatay waqtiga la qabanayo doorashooyinka Barlamaan iyo madaxtinimo ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM