​Faah faahin: Sarkaal sare oo ka bad-baaday weerarka The Village ee Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay Qarax Saaka ka dhacay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, kaasoo la doonayay in lagu Khaarajiyo Sarkaal sare oo katirsan ciidanka Booliiska.

 Col Maxa'ed Daahir, oo Taliyaha ciidamada Booliska Waliyow Cadde ayaa si dirqi ah uga badbaaday Qarax Ismiidaamin ah, oo saakay ka dhacay magaalada Muqdishu, ee xarunta dalka Somalia.

Qaraxa oo uu fuliyay Naftii halige watay Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa ayaa abaarey Maqaaxida the Village, xilli halkaasi uu marayay Gaari uu watay Col Maxa'ed Daahir, sida Goobjooge u sheegay GO.

Taliye Maxa'ed Daahir oo Warbaahinta Muqdishu la hadlay ayaa sheegay inuu ka badbaaday weerarka, balse labo kamid ah ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda Qaraxa, oo kusoo beegmayo xilli la isu diyaarinayo dhaarinta mudanayaasha Barlamanka Federaalka Somalia.

Ammaanka Muqdishu, ayaa sii xumaaday kadib markii ay soo dhawaatay waqtiga la qabanayo doorashooyinka Barlamaan iyo madaxtinimo ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM