Faah faahin: weerarkii xarunta Wasaaradda Waxbarashada

Image

April 14, 2015 (GO)- Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa weerar maanta lagu soo qaadey xarunta Wasaaradda Waxbarashada ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa ku bilowdey qarax ka dhacay bannaanka hore ee dhismaha, waxaana intaas kadib gudaha u galay afar nin oo ku hubeysnaa bumbooyinka gacanta laga tuuro iyo qoryaha daran doorriga u dhaca.

Qaraxa ka dhacay bannaanka waxaa ku dhintey ku dhowaad toban qof oo u badnaa rayid waxaa sidoo kale ku dhaawacmey in ka badan shan iyo toban qof oo kale.

Dadka dhintey iyo kuwa dhaawacmey ayaa u badan dad rayid ah oo ku sugnaa maqaayad ku dhow dhismaha la weeraray iyo dad kale oo la socdey gaari bas ah.

Ciidamada nabad-sugidda iyo kuwa AMISOM ayaa durbadiiba goobta soo gaarey, waxayna ku guuleysteen inay xaaladda si dhaqso ah ku xakameeyaan.

Warar kale oon la xaqiijin ayaa sheegaya in hawlgalku weli socdo, islamarkaana qaar kamid ah raggii weerarka soo qaadey weli dhismaha wasaaradda dhexdiisa ka dagaallamayaan.

Mas'uuliyadda weerarkan waxaa sheegtay ururka Al-shabaab, wuxuuna noqonayaa weerarkii labaad ee muddo bil gudaheed ah Al-shabaab ka fuliso magaalada Muqdisho.

Wixii warar ah oo kasoo kordha dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM