Faahfaahin Ciidamada Dowladda oo duqeyn ku dilay horjoogayaal ka tirsan ‘AS’

Image
55 Xubin oo ka mid ah AS ayaa lagu dilay howlgalka.

XARARDHEERE, Soomaaliya - Ciidamada xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ay saakay howlgal ka fuliyay dhulka howdka ah oo u dhexeeya deegaanada Caad Iyo Cadaleyee ku yaala Koofurta gobolka Mudug.

Ila ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyay in xubno ka tirsan “AS” ay isku aruursanayeen deegaanadaas, iyaga oo sheegay in ay gaarsiiyeen “Khasaare xoog leh”.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ka warbixiyay howlgalka ayaa ku tilmaamay mid guul ku soo dhamaaday isaga oo xaqiijiyay in lagy dilay horjogayaal badan.

Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa sheegay in tirada xubnaha “AS” ee lagu dilay Duqeynta ay ka badan tahay 55 qof, isaga oo sheegay in ay sidoo kale jiraan dhaawac badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya ka hadashay qorshaha Masar ee Ciidamada ku keenayso Soomaaliya

Xiisadda cusub waxay kusoo beegmaysaa xilli uu weli taagan yahay muranka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 11:52AM

Cabdirisaaq Khaliif: Firdhiye wuxuu katirsan yahay xisbiga Xasan Sheikh, DFS ayaana dhisaysa

Cabdirisaaq ayaa si xooggan u beeniyay warar sheegaya in ololihiisa doorashada uu ka helayo taageero maamulada Somaliland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 08:28AM