Faahfaahin ku saabsan weerarkii Al-shabaab ku qaaddey Wanlaweyn

Image

March 11, 2015 (GO)- Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa weerar saqdii dhexe ee xalay kooxo Al-shabaab ka tirsani kusoo qaadeen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidi oo la hadlay VOA ayaa sheegay in weerarkii xalay dhacay lagu diley hal askari iyo qof kale oo rayid ahaa.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dagaalyahannadii Al-shabaab ee magaalada soo galay ay muddo kooban ku sugnaayeen saldhigga booliska iyo xarunta maamulka degmada balse waxyar kadib ay dib magaalada uga baxeen.

Mar la weydiiyey sida ay Al-shabaab ugu suurogashay inay si fudud degmada usoo weeraran muddana ku sugnaadaan wuxuu sheegay in kooxda weerarka soo qaadey ahayd koox firxad ah oo kusii jeedey dhanka gobolka Hiiraan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"nimanka magaalada soo weeraray ma ahayn kuwo ujeedkoodu dagaal ahaa, balse waxay ahaayeen kuwo firxad ah oo doonayey inay dhacaan goobaha ganacsiga si ay sahay uga qaataan kuna sii jeedey dhanka Hiiraan" ayuu yiri.

Dhanka kale, qof rayid ah oo qariyey magaciisa sababo ammaan dartood ayaa u sheegay VOA in dagaalyahannada Al-shabaab xalay abbaare 1:30 saqda dhexe magaalada kasoo weerareen dhanka koonfurta, iyagoo magaalada ku sugnaa ilaa uu waagu ka baryey.

Al-shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyey kordhisey weerarrada qorsheysan ee lagu soo qaadayo magaalooyinka, waxaana xusid mudan in bishii February ee lasoo dhaafey labo weerar oo caynkan oo kale ahaa ay ka dhaceen magaalada Bosaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM