Faahfaahin qarax ka dhacey xero ciidan oo ku taal Kismayo

Image
Image
Image

22 August, 2015 (GO)- Ugu yaraan waxaa ku dhintey 15 askari qarax saaka ka dhacey xero ciidamada Jubaland ee ka tirsan Federaalka lagu tababarayey kadib markii gaari nooca loo yaqaan NOHA isku qarxiyey irrida hore ee xaruntaas.

Qaraxan ayaa dhacey xili askarta xerada ku jirtey tababar ugu socdey godaheeda iyadoo khasaare balaaran soo gaarey halkaas.

Ciidamada AMSOM oo ka hadley qaraxaan ayaa sheegey in askar gaaraysa 3 kaga dhaawacmeen.

Dhinaca kale waxaa lagu xirey sarkaal ka tirsan ciidamada xerada lagu tababarayey isagoo la sheegey in gaarigaan qarax sameeyey ka dagey daqiiqada ka hor.

Khasaaraha ayaa intaas ka badan kara iyadoo wararku sheegayaan iyadoo dhimashada iyo dhaawaca intaas ka badan karto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM