"Faan" kasoo yeeray Farmaajo kuna saabsan doorashada oo la naqdiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa looga jawaabay hadalo "faan ah" kuwaasoo uu ku duray dhinacyadda kasoo horjeeda maamulkiisa waqtiga gabaabsiga ka yahay.

Isagoo todobaadkii hore ka hadlayey munaasabad lagu qabtay Villa Soomaaliya, madaxweynaha wuxuu sheegay in mucaaradka codsanayo in waqti lagu daro doorashada "maadaama aysan u diyaar-saneyn tartanka".

Hadalkaas kasoo yeeray madaxweynaha wuxuu yimid maalmo kadib markii shaqsiyaadka ay maalgeliso Villa Soomaaliya ay baraha bulshadda ku faafiyeen in Farmaajo lagu wargeliyey "diyaar-garow la'aanta mucaaradka".

Sheekadaas waxaa soo gabaabeeyay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, kaasoo carabka ku adkeeyay in ay diyaarsan yihiin lana bartami doonan hogaamiye Farmaajo.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in isku abaabuli karaan saddex bilood ee ka hartay doorashooyinka.

Muddo xileedka baarlamaanka haatan jooga wuxuu dhacayaa November, 2020, halka xukuumadda uu ka dhamaanayo Febraayo sanadka dambe 2021.

Sidda laga soo xigtay heshiiska doorashada ee dowladda iyo maamuladda, waxaa shaqada u diyaar-garowga coddeynta bilaabaneysaa 1-da November.

"Habeen dhaweyd madaxweynaha waa yara faantamay wuxuu yiri 'nimankii mucaaradka waxay leeyihiin doorashada waqtiga ha lagu daro sababtoo ah ayaga diyaar maahan buu yiri'; hadaad dhageysaneyseen iyo hadii kale. Marka waqtiga waa na haayaa diyaaraa u nahay, hadaan nahay, berriyaa nahay. Waa dadkii hadda kahor madaxweynaha Puntland sheegay '[shirkii] Dhuusamareeb in saddex maalmood sidaas loogu diyaarin karo uma maleynaynin'. Saddex biloodaa hadda haysanaa dad wax diyaarin kara oo socon kara oo Soomaali u tagi karana waan nahay," ayuu ka sheegay kulan lagu taageerayay kana dhacay Muqdisho.

Nooca doorashadda soo aadan waa mid dadban taasoo la macno ah in codad kala iibsasho, musuqmaasuq iyo awood sheegasho siyaasadeed ay ka dhici karta soo xulista baarlamaanka 10aad iyo waliba coddeynta madaxtinimadda.

Villa Soomaaliya ayaa ka shaqeyneysa sidii uu kursigiisa u difaacan lahaa Farmaajo oo ku fashilmay in uu dhaqan-geliyo balanqaayadiisii ay kamid tahay ammaanka, xasiloonida siyaasadeed iyo qabashadda coddeynta ku dhisan qof iyo cod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM