Fadeexad Raskambooni: Khilaaf Gilgilay Villa Soomaaliya

Image

Garowe Online ayaa helay xog muujineysa in khilaaf culus uu ka dhex aloosan yahay madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo salka ku haya dagaalkii ka dhacay deegaanka Raskambooni. Dagaalkan, oo sababay in qaar ka mid ah ciidamada dowladda Federaalka kadib markii lagaga adkaadey dagaalka galaan xuduudka Kenya, halka qaar kalena isu dhiibeen ciidamada Jubbaland.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Garowe Online ayaa tilmaamaya in Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA), General Odowaa Yuusuf Raage, uu eedda dhacdadan dusha ka saaray Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Taliyaha Ciidamada Lugta ee dowladda Federaalka ah. Sida xogtu sheegeyso,  Odowaa ayaa ku hanajabey inuu xilka iska casilayo haddii mas’uuliyadda dhacdadan aan si cad loo qaadan.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in dhacdadani ay dhaawac weyn u geysatay sumcaddii ciidamada SNA, isla markaana ay lumisay kalsoonidii ay beesha caalamka ku qabtay ciidamada dowladda. 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada la-tashiyo siyaasadeed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tan iyo markii uu dalka dib ugu soo laabtay bilaabay kulamo iyo la-tashiyo ku saabsan xaaladdan. Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in dhacdadan ay caqabad weyn ku noqotay qorsheyaashii Villa Somalia, gaar ahaan dadaalladii ay ku doonayeen inay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ka dhigaan mid u hoggaansama siyaasaddooda.

Dhanka kale, xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Villa Somalia ayaan weli ka hadlin dhacdadii Raskambooni, xilli  ciidamadii loo qabtey maxaabiista dagaalka dib loogu soo celinayo magaalada Muqdisho.

Beesha caalamka oo ka walaacsan dhacdada

Beesha caalamka ayaa si weyn uga walaacsan sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya u maareysay xaaladdan. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya uu kulan la yeesho Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si uu ugala hadlo dhacdadan, taas oo lagu tilmaamay inay dhaawacday xiriirkii muhiimka ahaa ee dowladda Federaalka iyo beesha caalamka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM