Damaca Fahad Yaasiin ee doorashada soo aadan ee Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo la sugayo in dhowaan heshiis laga gaaro xiliga la qabanayo doorashooyinka dalka Soomaaliya ayaa taalabadaan waxay wadada u xaareysaa sidda warmurtiyeedkii Dhusamareb 3 ka soo baxey lagu sheegey iney xulashada xildhibaanada aqalka hoose ee Barlamanka ku saleysnaadaan hab-qaybsiga beeleed ee 4.5.
Nidaamkaan ayaa waxaa xubnaha aqalka hoose ee Barlamanka Federalaka Soomaaliya oo ka koobnaan doona 275 xubnood waxaa soo xulanaya beelaha Soomaaliyeed.
Maadaama dowlada Federaalka ee uu Madaxweye Farmaajo madaxda ka yahay ku guuldaraysatey in dalka ka hirgaliso doorasho hal qof iyo cod ah ayaa nidaamka 4.5 waxaa uu saamaxayaa in Baarlamanka Soomaaliya ka mid noqdaan shaqsiyaad adeegsanaya awoodo siyaasadeed iyo kuwa maaliyadeed.
Sidda warsidaha Garowe Online ogaadey, xubnaha raadinaya sanadkaan iney kamid noqdaan aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah Fahad Yaasiin, oo ah Taliyaha hay'ada Nabad Sugida Soomaaliya.
Fahad Yaasiin ayaa qorsheynaya inuu kursigaas oo xiligaan uu ku fadhiyo Faarax Cabdulqaadir oo ay isku beel yihiin in uu ka faramaroojiyo.
Kursigaan oo doorasho degaankiisa tahay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeele ayaa waxay ka mid aheyd goobihii uu ka dhacey musuqmaasuqii ugu badnaa doorashooyinkii ku saleysnaa nidaamka 4.5 ee laga qabtey dalka dabayaaqadii 2016 iyo horaantii 2017.
Ka mid ahaanshaha Baarlamanada Federalka Soomaaliya ayaa xubnaha raadiya qaarkood waxay u doonan iney xasaanad siyasadeed iyo mid ay ku ilaashadaan Danaha ganacsi ay leeyihiin ka helaan. Fahad Yaasiin ayaa ka mid ahaan doona xubnaha u raadin doona in kursigaan ku fariisto sidii uu xasaanad siyaasadeed uga heli lahaa.
Fahad Yaasiin ayaa sidda warar lagu kalsoon yahay xusayaan waxaa sidoo kale ku jira damac ah inuu u tartamo xilka gudoomiye ku xigeenka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka iyadoo waqtigaan uu ku fadhiyo Muudeey oo ay isku jifi hoose yihiin.
Xilkaan ayaa waxaa horey u raadiyey Farax Cabdulqaadir oo aad ugu dhowaa Madaxweynahii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, balse waxaa looga adkaadey doorashadii loo qabtey kursigaas.
Beesha Caalamka oo ka taageerta Soomaaliya inuu dib uga soo kabto burburkii ku dhacey ayaa waqtigaan aad faraha ugula jirta arimaha siyaasadeed ee dalka Soomaaliya. 2016 ayey isku dayeen iney ka hor-istaaagaan iney u tartamaan ka mid noqoshada sharci-dejinta Cabdi-qaybdiid iyo General Moorgan, balse arinkaas dhag jalaq looma siin.
GAROWE ONLINE