Fahfaahin cusub oo laga helay kulankii Xamse iyo wafdiga dowlada Kenya

Image
Kulankan ayaa qeyb ka ahaa isku-dayada Villa Soomaaliya ku cadaadineyso maamulka Jubaland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa todobaadkan magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday dowladda Kenya.

Kulankan ayaa bilow u ahaa dadaallada dhex dhexaadinta ah ee lagu doonayo in lagu qaboojiyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ee ku aaddan hannaanka doorashada.

Wafdiga Kenya oo ka kooban siyaasiyiin sar-sare oo ay ka mid yihiin Xoghayihii hore ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin, Ergaygii hore ee IGAD u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey, Senetarka ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Cali Xasan Colow ayaa horay kulamo ula qaatay Madoobe magaalada Kismaayo. .

Iyadoo aan weli la shaacin faahfaahinta doodaasi, ayaa haddana Madaxtooyada Jubbaland waxa ay xaqiijisay in Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu si shaqsi ah u codsaday inay Kenya ka caawiso dhex dhexaadinta khilaafka taagan.

Intii uu socday kulanka uu la qaatay Barre, sidda uu xafiiskiisu sheegay, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ka dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, siyaasadda, iyo ganacsiga.

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Kenya ay siiso dadaallada dowlad dhisidda Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka," ayaa lagu yiri bayaanka.

Hase ahaatee, warar Garowe Online heshay waxay sheegayaan in wafdiga Kenya ay Xamse ku qanciyeen inuu ka baaqdo safar uu ku aadi lahaa Kismaayo iyo in ay xukuumadiisu joojiso talaabooyinka xasaradaha abuuraya sida abaabulka ciidamo, siyaasiyiin weerara Axmed Madoobe iyo in ay hakiso dhamaan wax walba arrimaha muranka sii xoojiyay.

Khilaafka dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa sii xoogeystay kadib markii Jubbaland ay hal dhinac u magacawday guddiga doorashada, waxaana tallaabadaas ka hortimid dowladda Federaalka.

Khilaafkan ayaa cirka isku sii shareeray markii Madoobe uu ka baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay.

Axmed Madoobe ayaa dalbaday in Puntland iyo SSC Khaatumo lagu daro, iyadoo Puntland ay weli sii waddo inay qaadacdo shirarka NCC oo ay isku khilaafsan yihiin maamulka Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM

Saxiimad lagu burburiyey meel u dhow xeebaha Eyl—afar qof oo la sheegay inay dhinteen

Wararka qaarkood waxay sheegayaan in saxiimaddu ku sii jeedday markabka MV Sward…

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 04:16PM