Qarax khasaaro geystay oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax jugtiisa si weyn looga maqlay qaybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa fiidnimadii caawa wuxuu ka dhacay magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya nooca uu ahaa qaraxa uu ka dhacay wadada 21-ka October; fahfaahino qaar waxay ku sheegayaan miino nooca jidka la dhigo, qaar kalena nooca dhejiska.

Inta illaa haatan la xaqiijiyey, hal qof ayaa ku dhintay, mid kalena waxaa soo gaarey dhaawac. Balse, ilaa haatan lama xaqiijin waxay ahaayeen labadaas ruux.

Sidda laga soo xigtay goobjoogeyaal la hadlay GO, labadooda waxay saarnaayeen gaariga. Ciidamadda ammaanka oo tegay meesha ay wax ka dhaceen ayaa u gurmaday bukaanka.

Caasimada Soomaaliya ayaa u muuqaneysa in ay dib uga curteen weeraradii is-daba-jooga ahaa ee argagixisada, waxaana tan iyo bilowgii bishaan August ka dhacay afar qarax oo kala duwan.

Saddex qof ayaa ku dhimatay, afar kalena ay ku dhaawacmeen markii 3-dii bishan August uu naftii-halige isku qarxiyey maqaayada Luul Yameni, halkaasoo mas'uuliyiin ay tegaan.

8-dii bishaan August, 8 qof oo askar ay ku jiraan ayaa lagu dilay qarax is-miidaamin oo lagu ekeeyay saldhiga guutada 14-ka April ee milatariga Soomaaliya kuna yaala duleedka Muqdisho.

10-kii bishan August, 15 maxbuus oo u xukumanaa Al-Shabaabnimo iyo Daacishnimo ayaa ku naf-waayey, 19-ka waa dhaawac kadib toogasho ay Xabsiga Dhexe ka fuliyeen maxaabiis hub loo dusiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM