Qarax khasaaro geystay oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax jugtiisa si weyn looga maqlay qaybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa fiidnimadii caawa wuxuu ka dhacay magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya nooca uu ahaa qaraxa uu ka dhacay wadada 21-ka October; fahfaahino qaar waxay ku sheegayaan miino nooca jidka la dhigo, qaar kalena nooca dhejiska.

Inta illaa haatan la xaqiijiyey, hal qof ayaa ku dhintay, mid kalena waxaa soo gaarey dhaawac. Balse, ilaa haatan lama xaqiijin waxay ahaayeen labadaas ruux.

Sidda laga soo xigtay goobjoogeyaal la hadlay GO, labadooda waxay saarnaayeen gaariga. Ciidamadda ammaanka oo tegay meesha ay wax ka dhaceen ayaa u gurmaday bukaanka.

Caasimada Soomaaliya ayaa u muuqaneysa in ay dib uga curteen weeraradii is-daba-jooga ahaa ee argagixisada, waxaana tan iyo bilowgii bishaan August ka dhacay afar qarax oo kala duwan.

Saddex qof ayaa ku dhimatay, afar kalena ay ku dhaawacmeen markii 3-dii bishan August uu naftii-halige isku qarxiyey maqaayada Luul Yameni, halkaasoo mas'uuliyiin ay tegaan.

8-dii bishaan August, 8 qof oo askar ay ku jiraan ayaa lagu dilay qarax is-miidaamin oo lagu ekeeyay saldhiga guutada 14-ka April ee milatariga Soomaaliya kuna yaala duleedka Muqdisho.

10-kii bishan August, 15 maxbuus oo u xukumanaa Al-Shabaabnimo iyo Daacishnimo ayaa ku naf-waayey, 19-ka waa dhaawac kadib toogasho ay Xabsiga Dhexe ka fuliyeen maxaabiis hub loo dusiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM