Falcelinta go’aankii Fahad Yaasiin lagaga reebey Liiska xildhibaanda

Image

MUQDISHO- Warqad kasoo baxday gudoomiyaha gudiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal FEIT, Muuse Geelle Yussuf ayaa xilka looga qaaday xoghayihii guddiga, Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadam waxaana warqadda lagu xusay in xoghayaha carqalad uu ku waday hanaanka geedi socodka doorashada golaha shacabka isla markaana illaa seddex jeer loo diray digniino.

Xilka qaadistan ayaa kusoo beegmeysa xilli xoghaya uu xaley beeniyey warqad kasoo baxday Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT, taas oo looga reebay kursiga sumadiisu tahay HOP086 kaas oo uu soo qaatay taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Xoghaya xilka laga qaaday ayaa  sheegay in ay been tahay warqadda looga reebay Fahad Yaasiin xildhibaanada ka imaanaya maamulka Hirshabeele.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga diidey illaa saddex kursi oo ay soo gudbiyeen waxaana ka mid ahaa kursiga HOP103 oo laga boobay gudoomihii hore ee golaha shacabka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, HOP204 oo laga hor istaagay Wasiirkii hore ee gaashaan dhigga ee Xukuumada Federaalka, Cabdiqaadir Maxamed Jaamac iyo kursiga muranka da’da qofkii milxiiska u ahaa lagu haysto ee HOP154 oo ay kusoo laabatay xildhibaanad Sareedo Maxamed Cabdalla.

Muuqaal laga duubay xoghayaha oo baraha bulshada si weyn loogu faafiyay ayaa waxuu yiri, “Annagoo ah Guddiga Hirgalinta Doorashada Heer Federaal (FEIT), waxaan u cadeyneynaa xafiisyada aan kor kusoo sheegnay in aysan jirin liis rasmi ah oo xildhibaanada la doortay ah oo Guddiga kasoo baxay, Guddigana uu wali ku hawlan yahay ururinta xogta dhammaan xildhibaanada la doortay ee labada aqal, waxaan cadeyneynaa in liiskaas uusan Guddiga kasoo bixin.”

Dhinaca kale Hirshabeele ayaa diidey go'aanka Fahad Yaasiin kursiga uu soo qaatey lagaga reebey liiskaan.

Villa Somalia, xafiiska Madaxweynaha xilku ka dhamaadey ayaa cadaadis ba'an ku hayey saacadihii la soo dhaafey iney diidaan go'aanka guddiga doorashada Federaalka ah.

Fahad Yaasiin ayaa aad u doonaya xubinada xildhibaanka si uu halkaas gabaad ugu noqoto halka warar kale sheegayaan inuu qorsheynayo damaciisa ah noqoshada gudoomiye ku xigeenka golaha shacabka.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa ilaa bisha April 14 u qabtey xildhibanada cusub in la soo dhameystiri doono is-diwaan galinta iyo Shahaado siintooda. 

GAROWE ON-LINE 

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM