Falsafada uu "ku dhisan yahay" cilaaqaadka Al-Shabaab iyo Iiraan

Image

WASHINGTON, US – Taageerada Iiraan ay siiso Al-Shabaab kuma saleysana Diin, balse waxay salka ku haysaa sidii ay hoos ugu dhigi lahayd saameynta Sacuudiga ee Soomaaliya, sidda uu soo bandhigay Machadka ICT.

ICT oo Daaraaseeya Arrimaha La Dagaalanka Argagixixsada Caalamiga ah ayaa wariyey in loolanka juquraafi-siyaasadeed ee Sacuudiga iyo Iiraan uu isku-dhacyo u horseedayo Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Machadka ayaa rumeysan in ay isku mid yihiin falsafadda Tehran u adeegsato sidii danaheeda uga heli lahayd Yemen ay isla gudaha Soomaaliya ka fuliso oo ah in ay barataarto kooxaha Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab.

Riyadh oo xulafo ciidan adeegsaneysa ayaa dhankeeda sheegata in ay caawiso dowladaha "si ay baajiso saameyn ay Iiraan ku yeelato". Labadan quwadood ayaa waxay gedaal ka riixayaaan Suni iyo Shiico.

"Al-Shabaab waxay gacansaar la leedahay Al-Qaacida oo la og-yahay in uu cad yahay xiriirka kala dhaxeeya Iiraan. Inkasta oo kala aragti-duwanaan dhanka fekerka iyo Diinta ay jirto, hadana waxay iska indhatireen colaadooda ku saleysan Suni iyo Shiico si ay u wajahaan halka cadow oo ay leeyihiin," ayaa looga faaloodey warbixin kasoo baxdey Machadka ICT.

Wargeyska Foreign Policy ayaa horey u sheegay in taageerada Iiraan siiso Al-Shabaab ay isugu jirta sahay iyo mid maaliyadeed. Hubka ayuu ka dhawaajiyey in loosoo marsiiyo dhanka badda gaar ahaan Yemen.

Mas'uuliyiin ka tirsan Waaxda Difaaca Soomaaliya ayuu kasoo xigtay in ciidamada sirdoonka Iiraan ay ka howlgalaan Soomaaliya ayna fuliyaan howlgalo isugu jira iibinta shidaalka dalkooda iyo "dhagrida Mareykanka".

Warbixino mukhaabaraad ayaa muujiyey in hubka ay Al-Shabaab hesho qaarkood kasoo degaan dekada Muqdisho, arrintaas oo tooshka ku ifisay fashilka sirdoonka Soomaaliya kaasoo aan ka jawaabin eedahaan.

Weerarada Al-Shabaab oo saddexdii sano ee lasoo dhaafay kordhay 32%, sidda ay sheegtay Qaramada Midoobay, waxay ka badan yihiin 1,500. Maxsuulka baaris lagu sameeyay xajmigooda waxay tusineysaa isbedel ku yimid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM