Fariisin ay leeyihiin ciidamada sirdoonka Soomaaliya oo la duqeeyay

Image

BELEDWAYNE, Hiiraan – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo xalay saqdii dhexe lagu duqeeyay fariisin ay ciidamada sirdoonka Soomaaliya ku leeyihiin duleedka Bari ee Beledwayne.

Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay qaadeen weerarka lagu beegsaday fariisinkaas ku dhow xerada Iftin ee ku taala degaanka Ceel-jaale ee gobolka Hiiraan ee hoostaga maamul goboleedka HirShabelle.

Sidda ay xusayaan warbixino dhanka sirdoonka ah, saddex askari oo kamid ahaa kuwii ku sugnaa bartaas lagu hubiyey gaadiidka ayaa dhaawacmay.

Ciidamada Jabuuti ee jooga xerada Iftiin ayaa lasoo wariyey in dhankooda ay hoobiyeyaasha kaga jawaabeen tirro madaafiic kale oo waxyeelo sababay, wallow illaa iyo haatan aanan si dhab ah loo xaqiijin karin tirada khasaaraha.

Saraakiil dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in ay qaadeen howlgalo ay ku baacsanayaan dableydii falkaas ka dambeysay.

Ma jiro war ku saabsan duulaankan oo kasoo baxay dhanka xoogaga hubeysan ee gacansaarka la leh shabakada argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Al-Shabaab ayaa weerarada madaafiicda kordhisay bilooyinkii lasoo dhaafay iyadoo ka gaabisay qaraxyada gaadiidka ee ay ku beegsato saldhigyadda taasoo loo aaneeyay; howlgalada ciidaamda ama agab yari soo wajahadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM