Farmaajo oo rajeynaya in Biixi uu "ku dhiiran doono" mar kale midnimo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Muuse Biixi Cabdi waa nin Soomaali ah waana arkayaa in aaney Somaliland horey u socon karin, sidda uu munaasabadda xuska 26-ka June uu ka sheegay madaxweynaha dowladda federaalka ah.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey xafladdan ka dhacday Madaxtooyadda Qaranka ee Muqdisho ayaa filaya in Biixi uu mar kale "ku dhiiran doono midnimadda Goboladda Waqooyi iyo Koonfureed".

Wadahadalka xukuumadda federaalka iyo maamulka Hargeysa horaantii bishan June uga bilowday Jabuuti ee uu soo qaban-qaabiyey ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, ayuu rajeeyay in uu noqdo miradhal.

"Annagoo ku kalsoon wadahadalkii aan soo galnay, waxaan rajeynayaa in aan horumarino oo aan horey u qaadno walaalkey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi; waa nin Soomaali ah, waa nin vision leh, waa nin aragti dheer leh, waa waaya arag ah muddo dheer soo jiray, wuu arkayaa in Somaliland aysan horey u socon karin, annaguna aan horey u socon karin intaan kala maqan nahay waa arkaa; geesi-nimadeeda iyo kartideeda waa leeyahay, wuuna bilaabay, waana rajeynaynaa Insha Allah hadii Ilaahey yiraahdo in aan xoojino haduu EBBE yiraahdo," ayuu u sheegay ka qeybgaleyaasha.

Inkasta oo ajendaha furitaanka shirka aanan loosoo bandhigin saxaafadda, haddana natiijo horudhac ah oo kasoo baxay ayaa muujisay in qodobka riixaya wada-xaajoodyadda uu yahay is-dhexgalka Geeska qaarada Afrika.

Dalalka Mareykanka iyo Itoobiya ayaa dedaal ku bixinaya sidii u hirgeli lahaa ajandahaas oo ku saabsan iskaashi dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ah.

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa xustay in aysan aqbali doonin go'aano kasta oo kasoo baxa wadahadal lala galo Somaliland oo aysan qayb ka ahayn "maadaama ay saameynaya qodobada lagu heshiiyo".

Labada maamul ee deriska ah ayaa isku haya gacan ku haynta gobolada kala ah; Sool, Sanaag iyo Ceyn, halkaas oo dagaalo qaraar ay ku dhex-mareen.

Somaliland ayaa 1991-dii ku dhawaaqdey in ay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale, balse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul hoostaga dowladda federaalka oo ku adkeystay in midnimada iyo wadajir ay muqadas tahay.

MUUQAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM