Farmaajo: “Ciidankeennu waa geesiyaal u taagan difaaca dalka; shacabka ha garab istaagaan”

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagaan Ciidamada Qaranka, isagoo sheegay in aysan jirin wax ka qaalisan nafta askariga Soomaaliyeed ee u huraya difaaca dalka iyo dadka.

Farmaajo ayaa si adag uga digay dacaayadaha ay faafinayaan kooxaha argagixisada ah, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay yihiin weerarro aan toos ahayn balse lagu beegsanayo niyadda shacabka iyo sumcadda ciidamada. Wuxuu carabka ku adkeeyay in wararka sheegaya guuldarro aysan sal iyo raad toona lahayn.

“Ciidankeennu waa geesiyaal. Waa kuwa noloshooda halis u galiya badbaadada shacabka. Bixitaanka magaalooyin qaar waa xeelad dagaal, mana ahan jab. Waa qorshe istiraatiiji ah oo lagu dhisayo awood ciidan oo waarta,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ayaa xusay in guulo waaweyn laga gaaray dagaalka argagixisada intii u dhaxeysay 2018 ilaa 2020, xilligaasoo lagu xoreeyay magaalooyin istaraatiiji ah sida Marka, Jannaale, Bariirre iyo Sabiid. Wuxuu tilmaamay in taariikhdaas ay tusaale cad u tahay in ciidan mideysan oo heysta taageerada shacabka uu guul gaaro.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay ciidanooda la garab istaagaan — hadal, ficil, iyo qalbi. Waa waqtigii aan la dhihi lahayn: hal askari waa hal qaran,” ayuu ku daray.

Ugu dambeyntii, Farmaajo wuxuu farriin dhiirrigelin ah u diray dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay in ay ka mid noqdaan Ciidamada Qaranka si ay uga qayb qaataan difaaca dalka, kana hortagaan kuwa doonaya in ay burburiyaan mustaqbalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM