Farmaajo iyo Charles Michel oo is-xog-wareysi ku yeeshay Addis Ababa

Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo kula yeeshay magaaladda Addis Ababa Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub, Charles Michel.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa fahfaahin ka bixisay qodobadda looga hadlay kulanka oo qeyb ka ahaa shir-doceedyadda madaxweynuhu la qaadanayo madaxda Shirka Midowga Afrika.

Qoraalka Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay "horumarka ay Dowladda ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga iyo horumarinta dhaqaalaha".

Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in ay isla soo qaadeen xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska qaaradda Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee dowlad-dhisidda Soomaaliya.

EU-da ayaa wuxuu kamid yahay deeq-bixiyeyaasha ugu balaaran ee caawiya Soomaaliya gaar ahaan dhanka dowladnimadda iyo soo kabashadda qaranimadda waddanka.

Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu dib ugu soo laabto Muqdisho saacadaha soo aadan kadib ka qeybgalkiisa shir-madaxeedka 33aad ee ururka AU-da oo looga hadlay joojinta colaadaha.

Isagoo khudbad ka jeedinayey shirka, hogaamiyaha dalka dhaca Geeska Afrika ayaa sheegay in si looga adkaado Al-Shabaab ay muhiim tahay in dalka laga qaado xayiraada dhanka hubka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Laga Saaro Ciidamada Jubaland Kadib Weerarkii Dadka Lagu Laayay

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Jubbaland laga saaro dhulka Kenya.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 06:07AM