Farmaajo iyo Erdogan oo wadahadlay xilli kiisaska Covid-19 sii kordhayaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyneyaasha wadamada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxay saacadihii lasoo dhaafay yeesheen wadahadalo, sidda laga soo xigtay Madaxtooyadda Qaranka.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Recep Tayyip Erdoğan ayaa wada-xaajoodkooda ahaa xagga internet-ka sabab la xiriirta safmarka Coronavirus ee dunida oo idil kala xiray.

Farmaajo oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa xaqiijiyey in wadahadalkooda uu daaranaa mahadcelinta gargaar uu Turkiga ka dejiyey magaala madaxda Muqdisho.

Gargaarka waxaa ku jiray; qalabka lagu baaro Covid-19 iyo mashiinka dadka ka saacida neefashadda ee Ventilator gaar ahaan nooca lagu farsameeyay Turkiga, sidda uu Erdoğan sheegay.

"Waxaan wada hadalnay Madaxweynaha Turkiya Mudane @RTErdogan, aniga oo uga mahadceliyay hiilka walaaltinnimo iyo agabka caafimaad ee ay sida degdega ah noogu soo direen," ayuu Farmaajo yiri.

Wuxuu qoraalkiisu intaas raaciyey: "Gargaarkan wuxuu kaalin mug leh ka gaysanayaanka hortagga iyo la dagaallanka cudurka COVID19".

Muqdisho iyo Ankara, sidda ay sheegeen diblumaasiyiinta labada dhinac, ayaa leh xiriir wanaagsan oo ku saleysan danaha ay wadagaan.

Labada dal ayaa laga helay kiisas badan oo ah caabuqaan sidda fudud u faafa. Soomaaliya waxay soo warisay 24-kii saac ee lasoo dhaafay 722 xaaladood, halka Turkiga uu kumanaan soo bandhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM

Ciidamada Puntland oo hawlgal ballaaran ka fulinaya godadka Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku guuleystay inay yareeyaan saamaynta iyo firfircoonida kooxda ISIS.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 11:06AM