Farmaajo iyo Fahad oo lagu eedeeyay in ay "beegsanayaan" beelo gaar ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha hay'adda sirdoonka, Fahad Yaasiin Dahir, waxay tijaabinayaan awooda shacabka iyagoo dulqaadka u qaatay doqonimo, sidda uu daaha ka rogay murashax madaxweyne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa ku eedeeyay Farmaajo iyo Fahad in ay beegsanayaan degaano iyo bulsho gaar ah.

"Dadka xikmadda ka maran, marka ay masuuliyad iyo xil qabtaan, waxey isku dayaan in ay tijaabiyaan xadka awoodda iyo dulqaadka inta kale," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Waxey is bidaan itaal ay tooda ku meel-mariyaan, waxey illoobaan halka ay awoodda ka heystaan".

"Madaxweyne Farmaajo iyo taliyihiisa nabadsugidda waxey doonayaan in ay keli talis ku noqdaan awood ciidan ajnabi ah, waxey sanka farta ka gelinayaan deegaanno iyo beelo gaar ah, waxey si dhiirrani leh u tijaabinayaan awoodda shacabka, wax garadka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug, Hir-Shabelle iyo Banaadir," ayuu sii raaciyey.

Siyaasiga ayaa kusoo xiray hadalkiisa: "Dulqaadku ayey doqonnimo u qaateen, xishoodkiina karti darri, tanaasulkiina gunnimo. Waxaa la joogaa xilligii dadnimada, sharafta iyo karaamada la difaacan lahaa".

Fahad ayaa ah mas'uulka ugu tunka weyn xafiiska madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo, waxaana uu faragelin qaawan ku sameeyay doorashooyinkii Koonfur Galbeed, Galmudug iyo tan hadda socota ee HirShabelle.

Si lamid ah, hogaanka waddanka ayaa gacma-gacmeeyay soo xulista wakiilada maamuladan ee guddiyadda doorashooyinka, iyagoo kusoo diray saraakiil sirdoon iyo howlwadeeno ka tirsanaa Aqalka looga arimiyo waddanka.

Xisbiyadda mucaaradka oo ka qaylo-dhaamiyey arrintaan ayaa si xoogan waxay uga digeen cawaaqibka ka dhalan kara oo ah in lagu murmo natiijooyinka doorashada maadaama shaqsiyaadkaas "aan lagu kalsoonaan karin".

Villa Soomaaliya ayaa ka shaqeyneysa meelmarinta qorshaha uu Farmaajo ku doonayo in uu ku difaacdo kursigiisa taasoo ay kamid tahay in uu guddiyadda doorashada ku darsado xubno taabacsan "si ay codadka ugu boobaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM