Farmaajo iyo Fahad oo saluugay xubno ay xusheen maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha nabad-sugida Fahad Yaasiin Daahir ayaanan ku farxin xubnaha ay qaar kamid ah maamulada u soo xusheen guddiyada doorashadda, sidda uu Garowe Online ogaadey.

Sidda ay caddeynayaan xogaha, Farmaajo iyo Fahad oo si gaar ah u qoonsaday wakiialada uu xushay hogaamiyaha Galmudug, Axmed Cabdi Kariye, ayaa u arkay shaqsiyaad aanan u jaranjeerin dhankooda.

Tani ayaa ka dhigan in ay Qoorqoor ka dalbdan karaan in uu soo bedelo liiskiisa, arrintaas uu ay u badan tahay in uu ka ogolaanayo maadaama uu kamid yahay madaxda maamuladda ee daacada u ah taliska Villa Soomaaliya.

Dhaliilaha kale ee xubnaha Galmudug ay u gudbisay waxaa kamid ah in aysan waafaqsaneyn qoondada haweenka iyo heshiiska doorashadda 2020-21 maadaama dhamaan xubnaha uu Qooqqoor xushay ay rag wada yihiin.

Sidda ay muujinayaan macluumaadka, Farmaajo iyo Fahad ayaa doonaya in Qoorqoor uu gudbiyo magacyo "mar walba u hogaansama amarada Madaxtooyadda".

Wararka ayaa intaas ku daraya in sidoo kale ay madaxda dowlada federaalka saluugeen xubnaha uu soo gudbiyey madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Dowladaha xubinta ka ah xukuumada federaalka ayaa, sidda ku xusan heshiiska doorashada 2020-21, waxay soo gudbinayaan min afar xubnood oo ku kala metalaya guddiyadda coddeynta maamulaya iyo xalinta khilaafaadka.

Ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in uu faafin rasmi ah kusoo saaro magacyadda guddiyadda si ay u guda galaan shaqooyinkooda.

Maadaama uusan xiriir wanaagsan kala dhaxeyn, Farmaajo iyo Fahad ayaanan fileyn in xubno taabacsan ay ka imaan doonan dhanka Puntland iyo Jubaland, marka loo eego Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle oo ku dhow.

Farmaajo oo ku guuldareystay in uu ka dhabeeyo balanqaayadiisa ololaha doorashadii 2017 – kuwaasoo amniga, doorasho qof iyo cod, la dirirka Al-Shabaab iyo qabyo-tirka dastuurka kamid yihiin – ayaa haminaya in uu soo laabto.

Si yoolkiisa ku dhamaan doona sanduuqa coddeynta uga rumeeyo, madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ayaa sameynaya wax walba oo karaankiisa kana tahay faragelinta maamulada, arrintaas oo maxsuul xun ka dhalan karta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM