Farmaajo iyo madaxda maamulada oo kalan horudhac ah yeeshay

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo Farmaajo iyo hogaamiyeyaasha shanta maamul oo uu wehliyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa Khamiista maanta ah yeeshay kulan horudhac ah.

Shirka kahor, madaxdan horey si gooni-gooni isu arkay ayaa si wadajir ah uga qeyb-galay qaddo sharaf loogu sameeyay Madaxtooyada Qaranka.

Kulankaan horudhac ah ayaa imaanaya iyaddoo lagu wadday in maanta uu si rasmi ah u bilowdo wadahadaladii arrimaha doorashada 2020-21.

War-saxaafadeedyo kala duwan oo is-araggaan horudhac ah kasoo saareen Villa Soomaaliya iyo maamulada ayaan lagu caddeyn goorta uu furmayo wadatashigaan ujeedkiisu yahay in looga heshiisyo laba qodo.

Labadaas qodob ayaa kala ah; nooca lagu galayo doorashooyinka soo aadan iyo waqtiga ay dhaceyso oo horey loo adkeeyay in ay xilligeeda ku dhacdo.

Ku dul-shaqeynta heshiiskii qabyadda ahaa ee Dhuusamareeb3 iyo abuurida is-afgaradyo cusub oo la fulin karo waa su'aalaha ku geedaaman shirka.

Villa Soomaaliya oo taageero ka haleysa Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa xeerinaya go'aanadii Dhuusamareeb, halka dowladaha Puntland iyo Jubaland ay horey gabi ahaanba qaadaceen go'aanadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM