Farmaajo iyo wakiilada Beesha Caalamka oo kulmaya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo iyo wakiiladda Beesha Caalamka ayaa Sabtida maanta ah waxay ku kulmayaan xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Sidda ay xoguhu muujinayaan, shirkaas gaarka ah ayaa diiradda lagu saarayaa qodobo ay kamid yihiin; qabashadda shir ay isugu yimaadaan dowladda iyo maamuladda, asteynta goorta uu ku qabsoomayo iyo dhaqan-gelinta heshiiskii 17-kii September ee 2020-kii.

Diblumaasiyiinta ayaa ku cadaadinaya Farmaajo in uu ku dhawaaqo qabsoomida shirkaas –waliba sidda ugu dhaqsiyaha badan ugu macquulsan – si wada-ogol loo helo kahor 8-da Febraayo.

"Madaxweynuhu wuxuu doonayaa in shirka lagu qabto Baydhabo – caasimadda ku meelgaarka Koonfur Galbeed, balse wakiiladda Beesha Caalamka ayaa xalka u arka in la isugu yimaado Muqdisho oo ah caasimadda waddanka," ayay sheegeen illo wareedyo u waramay GO.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa, sidda GO fahansanyahay, waxay hogaamineysaa qaban-qaabadda shirkaas qabsoomidiisa muhiimka u ah in waddanka uu si nabad ah uga baxo mar-xalada kala guurka ee waqti xaadirkan xasaasiga ah dhex-dabaalanayo.

Jimcadii, saaxiibada caalamiga ah iyo safaaradda Mareykanka ayaa ku baaqay in madaxda Soomaalida ah ay shir deg-deg ah ka yeeshaan arrimaha taagan "si loo suurtageliyoo geedi-u-socod doorasho oo nabdoon loogana fogaado doorashooyin iska soo horjeeda".

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale waxay soo dhaweysay guddiyadii ay magacaabeen dowladaha Puntland iyo Jubaland, waxaana ay talaabadaas ku qeexdey "mid rajo wanaagsan" u abuureysa wadaxaajoodyo ay yeeshaan hogaamiyeyaasha Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM