Farmaajo iyo wakiilada Beesha Caalamka oo kulmaya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo iyo wakiiladda Beesha Caalamka ayaa Sabtida maanta ah waxay ku kulmayaan xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Sidda ay xoguhu muujinayaan, shirkaas gaarka ah ayaa diiradda lagu saarayaa qodobo ay kamid yihiin; qabashadda shir ay isugu yimaadaan dowladda iyo maamuladda, asteynta goorta uu ku qabsoomayo iyo dhaqan-gelinta heshiiskii 17-kii September ee 2020-kii.

Diblumaasiyiinta ayaa ku cadaadinaya Farmaajo in uu ku dhawaaqo qabsoomida shirkaas –waliba sidda ugu dhaqsiyaha badan ugu macquulsan – si wada-ogol loo helo kahor 8-da Febraayo.

"Madaxweynuhu wuxuu doonayaa in shirka lagu qabto Baydhabo – caasimadda ku meelgaarka Koonfur Galbeed, balse wakiiladda Beesha Caalamka ayaa xalka u arka in la isugu yimaado Muqdisho oo ah caasimadda waddanka," ayay sheegeen illo wareedyo u waramay GO.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa, sidda GO fahansanyahay, waxay hogaamineysaa qaban-qaabadda shirkaas qabsoomidiisa muhiimka u ah in waddanka uu si nabad ah uga baxo mar-xalada kala guurka ee waqti xaadirkan xasaasiga ah dhex-dabaalanayo.

Jimcadii, saaxiibada caalamiga ah iyo safaaradda Mareykanka ayaa ku baaqay in madaxda Soomaalida ah ay shir deg-deg ah ka yeeshaan arrimaha taagan "si loo suurtageliyoo geedi-u-socod doorasho oo nabdoon loogana fogaado doorashooyin iska soo horjeeda".

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale waxay soo dhaweysay guddiyadii ay magacaabeen dowladaha Puntland iyo Jubaland, waxaana ay talaabadaas ku qeexdey "mid rajo wanaagsan" u abuureysa wadaxaajoodyo ay yeeshaan hogaamiyeyaasha Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM