Farmaajo ma wuxuu goobayaa muddo kororsi juujuub ah?
MUQDISHO, Soomaaliya – Hubanti la’aanta in Soomaaliya ay qaab nabdoon uga baxeyso mar-xaladda kala guurka ayaa xoogeysatay ka gedaal markii muddo xileedkii Farmaajo uu dhamaadey iyadda oo aaney jirin qorshe uu ku imaanayo hogaamiyihii bedeli lahaa ama doorasho ku qabsoomi lahayd.
Iyadda oo ay tahay taariikh madow oo safxadaha dhigaalada u geli doonto, Farmaajo oo raadinaya in dib loo doorto ayaa dastuurka ku meelgaarka ah wuxuu xeerinayaa in uu yahay sii-haaye isla markaana afhayeenka Golaha Shacabka baarlamaanka uu waddanka majaraha usii hayn doono.
Balse waxaa jira sheegashooyin aan wali la xaqiijin oo sheegaya in Farmaajo uu damacsan yahay in baarlamaanka oo qudhiisa uu dhamaadey muddo xileedkiisa uu ka raajicinayo muddo kororsi aan heshiis lagu ahayn taas oo cirka kusii shareeri karta jahwareerka siyaasadeed ee waddanka uu hadda ku jiro.
Wararkaas oo hoos-u-dhacay markii afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, uu fadhigii Sabtida ka sheegay in golaha uusan ka hadleyn muddo kororsi kadib markii Farmaajo hortagay kana jeediyey khudbad uu diiradda ku saarey fashilka ku yimid wadahadaladii magaalada Dhuusamareeb.
Hasa ahaatee, waxay sheegashooyinkaas mar kale xoogeysteen Isniinta maanta oo Golaha Shacabka uu fadhi yeeshay. Mudaneyaasha waxaa lagu wargeliyey in ajenduhu yahay akhrinta 3aad ee sharciga Waxbarashada Heerka Sare iyo Qeybinta Wax-qabadka 100-ka maalmood ee xukuumada Rooble.
Inkasta oo balanku sidaas ahaa, haddana ilaaladda gaarka ah ee Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tegay xarunta Golaha Shacabka, talaabadaas oo shaki gelisay mudaneyaasha qaar una qaateen in wasiirka koowaad uu la hadlayo golaha isla markaana waydiisan karo in muddo kororsi loo sameeyo.
"Shirqool kale miyaa la damacsanaa?"
Xeer hoosaadka golaha ayaa xeerinaya in warbixinadda loo qeybiyo Xildhibaanadda 24 saac kahor fadhiga si ay u soo akhriyaan isla markaana su'aallo uga waydiiyaan cidda markaas soo gudbisay warbixinta iyo sharciga.
Guddoonka ayaa lagu waramay in ay kadib ku amreen ilaaladda gaarka ah ee Ra'iisul Wasaaraha in ay dib ugu laabtaan xaruntooda, iyadda oo warar hal dhinac ah ay tibaaxayaan in sidoo kale Rooble laga celiyey in golaha uu tago.
Siyaasiyiin ay kamid yihiin Xildhibaano iyo musharaxiin oo ka falceliyey dhacdadaas ayaa muujiyey in ay tuhunsan yihiin in ay qeyb ka ahayd ololaha Villa Soomaaliya ugu jirto in Farmaajo uu helo muddo kororsi.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray: "100 ciidamo dharcad ah oo bistoolado ku hubaysan ayaa maanta Golaha Shacabka gudaha loo soo geliyay, iyadoo ajandaha Goluhu maanta ahaa Akhrinta Hindise Sharciyeed iyo Qaybinta Warbixin Waxqabadkii Xukuumada Xil-gaarsiinta ee Boqolka maalmood".
Wuxuu ku daray: "Waxaa inla iswaydiiyo mudan buugaan yar ee boqolka ciidanka ah galbinayaan waxa ku qoran. Mise qorshe kale oo la damacsanaa lkn fashilmay ayaa jira?!".
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo la xiriiriyay Madaxtooyadda Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay Farmaajo "in uu u burburiyey shirkii Dhuusamareeb si uu u helo muddo kororsi" isla markaana "uu dheereysi awadeed la gaaf-wareegayo baarlamaanka".
Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta oo cod dheer kaga digay muddo kororsi aan heshiis lagu ahayn, ayaa ku nuux-nuux-saday ahmiyadda ay leedahay in qaab la isla ogol-yahay looga samata-bixiyo waddanka mar-xalada kala guurka uu ku jiro.
Midowga Musharaxiinta oo shaaciyey in aysan Farmaajo u aqoonsaneyn madaxweyne sharci ah wixii ka dambeeya 8-da Febraayo ayaa soo jeediyey in la sameeyo gole kumeelgaar heer qaran ah kaasoo dhameystiraya dhaqan-gelinta heshiiska siyaasadeed ee ay gaareen dowladda iyo maamuladda.
GAROWE ONLINE