Farmaajo oo afhayeenkiisii u dalacsiiyey agaasime ku xigeen guud
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa afhayeenkiisii ahaana agaasimihii warfaafinta Madaxtooyadda, Cabdinuur Maxamed Axmed wuxuu u dalacsiiyey Agaasime ku xigeenka Villa Soomaaliya.
Digreeto kasoo baxdey xafiiska madaxweynaha waqtiga uu kasii dhamaanayo ayaa lagu fahfaahiyey sababta keentay in xilkaan cusub loo magacaabo Cabdinuur oo kamid ahaa kooxdiisa ololaha doorashada.
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Wareegto uu soo saaray waxa uu Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed u magacaabay Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada," ayaa lagu yiri qoraalka.
Bayaanka ayaa la raaciyey: "Madaxweynaha ayaa tilmaamay in magacaabistan ay sii xoojineyso tallaabooyinkii hore ee ku aaddanaa awoodsiinta dhallinyarada ee dhinacyada siyaasadda, hoggaaminta hay’adaha Dowladda iyo ka qeybgalka dib u dhiska dalka".
“Tallaabooyinka aan dhallinyaradeenna Soomaaliyeed kaga qeyb galinayno maamulka iyo siyaasadda dalka waa kuwo muhiim u ah soo nooleynta rajadooda. Magacaabista Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo uu mutaystay Cabdinuur waxa ay muujinaysaa sida aan dhallinyarada Soomaaliyeed uga qeyb gelinayno dhammaan heerarka sare ee siyaasadda iyo Maamulka dalka," ayuu yiri Farmaajo.
Qoraalka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Mudane Cabdinuur ayaa ka hor xilkan waxa uu ahaa Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha iyo Afhayeenka Madaxtooyada, jagadaas oo uu hayay tan iyo markii uu Madaxtooyada ku soo biiray sannadkii 2017 kii. Cabdinuur waxa uu muddadaas kamid ahaa agaasimayaashii ugu wakhtiga dheeraa intii xukuumaddani jirtay taasi oo u soo jiidday sumcad uu ku mutaystay dallacsiintan si uu u sii dardargeliyo u adeegidda muwaadiniinta Soomaaliyeed".
Inta badan hogaamiyeyaasha ayaa marka uu gabaabsi yahay muddo xileedkooda waxay sameeyeen dalacsiino loosoo bandhigo saxaafada iyo qaar kale oo daaha gedaashiisa laga maamulo kuwaasoo ololaha kamid ah.
GAROWE ONLINE